Muqdisho.(SONNA)…Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa Wasaaradda Maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda wabiga ee ku dhuftay deegaanno badan oo dalka ah.
Ra’iisul wasaaraha oo warbixin faahfaahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la isugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada.
Guddi hoosaadka ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada.
Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira; carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu webiga ka jilicsan yahay iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, arrinkaan ayaa ka dhashay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan.
Deegaanada Beledweyne,Luuq iyo kuwo kale ayaa ka mid ah kuwa haatan la tacalaaya fatahaado sababay barakac iyo burbur hanta.