Muqdisho,(SONNA Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay kaalinta dalkeenu uu ka galay is-barbardhigga lagu sameeyay qiimaha internetka taleefoonka gacanta (mobile data), taas oo muujineysa in dalkeenu uu ka mid yahay 10-ka dal ee ugu qiima jaban adduunka oo dhan iyo dalka 1-aad ee qaaradda Afrika.
Wasiir Cashuur, oo soo dhoweynayay natiijadaan, ayaa sheegay in arrintani ay muujineyso in suuqa isgaarsiinta Soomaaliya uu horumar sameynayo, taasina ay gacan weyn ka geysan doonto sidii uu dalkeena uga hana-qaadi lahaa dhaqaalaha ku dhisan teknolojiyada (digital economy) oo ah halka adduunka maanta ku kala horumaray, waayo internetka jaban wuxuu dhiirrigeliyaa in adeegyo kala duwan bulshada loo marsiiyo dhinaca teknolojiyada.
โNatiijada sanadkan waxay marqaati u tahay dadaalka iyo hal-abuurka shirkadaheena isgaarsiinta iyo shaqaalaha ka hawl-gala. Sidoo kale waa arrin muujineysa in dadaalkooda iyo naf-huristooda ay miro-dhal noqonayaan, oo ay u tartami karaan heer caalami,โ ayuu yiri wasiirku.
Warbixin ay soo saartay Cable.co.ukย โ oo ah bar internet oo isbrabardhig ku sameysa qiimayaasha shirkadaha isgaarsiinta dalalka caalamka – ayaa muujineysa in Soomaaliya ay kaalinta 7-aad kaga jirto adduunka, qaaradda Afrikana kaalinta 1aad dhinaca qiimaha 1GB ee internetka taleefoonka gacanta, kadib markii qiimeyn lagu sameeyay shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka adduunka.
Warbixintu waxay muujineysaa in qiimaha mobile internet ee Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay 12kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo sanad ka hor ay Soomaaliya ku jirtay kaalinta 134aad ee adduunka ama kaalinta 37aad ee Qaaradda Afrika. Isbeddelkan ayaa ah mid xawli ah marka loo eego dalalka kale ee qiimeynta kula jira oo qaarkood aan wax isbeddel ah sameynin sanadkii la soo dhaafay.