Muqdisho.(SONNA)…Wasaaradda caafimaadka XFS ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay xakameynta cudurka duumada iyo la tacaalidda cudurka saf marka ah ee COVID 19,
Wasaaradda caafimaadka XFS waxa ay xustay in mar walba ay u taagan yihiin ka hortagga halista iyo dhimashada ay dhaliyaan cudurkaan,sababtoo ah dunidaan labadii daqiiqaba hal canug ayaa u dhinta cudurka duumada,
Wasaaradda ayaa xaqiijisay in dhamaan howlihii xakameynta duumadana ay sii socon doonaan kuwaas oo ay ka mid yihiin maareynta xaaladaha, qeybinta mara kaneecada iyo buufinta goobaha ay kaneecadu ku badato.