Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS oo soo saartay warsaxaafadeed la xiriiray dhoofinta xoolaha Soomaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS oo soo saartay warsaxaafadeed la xiriiray dhoofinta xoolaha Soomaliya
Wararka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS oo soo saartay warsaxaafadeed la xiriiray dhoofinta xoolaha Soomaliya

By Kulane
Last updated: April 23, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shir jaraaid u qabtay Warbaahinta ayaa shaaciyay In xukuumadda Soomaaliya ay muddo Lix sano ah kadib ku guuleysatay In xayiraada laga qaado xoolihii loo dhoofin jiray Suuqyada dalka Boqortooyada Sacuudiga.

, Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dhawaan dalkaas loo dhoofin doono 600,000 oo neef oo ari ah iyo 100,00 kun neef oo geel ah.

War-Saxaafadeed

Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 bisha Abriil 2020, waxaan shirkaan jaraaโ€™id u qabanayaa in aan bulshada la wadaago furtinaaka Xoolaha Soomaaliya ee loo suuq geyn jiray dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib dadaal ay samaysay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Iyadoo wadashaqayn wanaagsan iyo taageero ka helaysaa Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waxaan halkaan ugu mahad celinayaa Boqortooyaada Dalka Sacuudiga oo hormuudka u yahay Khaadimka labada Xaram ee Shariifka ah Malik Salman Bin Cabdul Casiis iyo Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sacuudiga Madaxdeedii oo runtii siniyadsami leh noola shaqaysay Mudadii lixda bilood ee howshani aan kawada shaqaynaynay ilaa ugu danbayntiina ay miro dhal noqotay. Waana Markii ugu horaysay muddo lix sanadood kadib Xoolaha Soomaaliya loo furo Suuqyada Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo sanadaaahasi waqtiga Xajka ah o keliyah naloo furi jiray, waana guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed.

Sidaan la wada socono Xoolaha waa laf dhabarta dhaqaalaha dalka, islamarkaana ay ku tiirsan yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed, haddaba Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay dadaalo farabadan ugashay sidii suuqaqii horey ujiray loo soo celin lahaa suuqaaq cusub oo xoolaha loo iibgeeyo loo abuuri lahaa si loo daboolo baahida asaasiga ah ee xoolo-dhaqatadeena loona xoojiyo awoodda ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed; runtii waa arrin muhiimaddeeda u leh xoola dhaqatada iyo ganacsatada ka shaqeysata xoolaha iyo kuwa kaloo badan oo si toos iyo si dadbanba uga shaqeeya arrimaha xoolaha.

Ayadoo maanta uu ka jiro dunida hoos udhac dhaqaale oo ballaaran, culeys caalami ah oo ka yimid cudurka safmareenka ah ee COVID 19 awgeed, haddana waa Ilaah mabaddii in aan xoolo dhoofino taasoo dhaqaalaha Shacabka Soomaaliyeed kor usoo qaadaysa.

Waa arrin lagu farxo waxayna qayb weyn ka qaadanaysaa kor u qaadist dhoofka Waxsoosaarka gudaha GDP.

Waxaan xooga saareynaa in aan joogteyno suuqaasi iyo suuqyada kale islamarkaana aan sii raadino suuqyo kale oo lagu iibiyo Xoolaha iyo Uunta Xoolaha.

Halkan ka akhriso: Warsaxaafadeedka

SHIR JARAAID Dhoofka Xoolaha ee Sacuudiga

ย 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hoggaamiyahaย SSC-Khaatumo ooย kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho(SONNA):-Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha…

GudahaWararka
May 5, 2025

Maamulka gobolka Banaadir iyo Madaxa shaqaalaha dowladaha hoose Turkiga oo kawada hadlay iskaashi la xariira horumarinta magaalada Muqdisho.

SONNA (MUQDISHO)- Guddoomiye -xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Faarax Cabdi Diini iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir…

GudahaWararka
June 19, 2021

Soomaaliya iyo hayโ€™adaha samafalka oo kulan deg-deg ah ka yeeshay halista Coronavirus

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa kulan deg-deg ah oo looga arrinsanayo qatarta sii baahayso ee cudurka Coronovirus la yeelatay qaar ka…

Wararka
March 15, 2020

Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka oo Geneva uga qaybagalaya Shirka Baarlamaanada Adduunka

Geneva (SONNA): Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi uu hogaaminayo…

GudahaWararka
October 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023