Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud
    March 13, 2026
    Wasaaradda Batroolka XFS oo ka hadashay cabashooyinka dadweynaha ee dhanka shidaalka
    March 13, 2026
    Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay
    March 13, 2026
    Gubadley iyo Kaaraan oo u gudbay wareegga afar dhammaadka ee tartan cilmiyeedka Ramadaan
    March 13, 2026
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?
MaqaalladaWararka

Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 1, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka 25-kii bisha Maarso  ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay calaamadda loo yaqaano “go’aan qaadasho” ee amaahda looga cafiyo wadamada la dhibaateysan deymaha, taas oo ka dhigan iney Soomaaliya noqoto wadddanka 37-aad ee marxaladdaan soo gaarta.

Madaxda dowladda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushaan weyn ee usoo hoyatay qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa sheegay in dowladdu sii laba jibbaari doonto  dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka si  Soomaaliya  ay xubin uga noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Maalgeshiga Caalamiga oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan maalgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan welwel ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa xusay in guushaan ku timid wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo  deganaashaha siyaasadeed ee dala ka jirtay  3-dii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna sheegay in guusha maanta laga gaaray deyn cafinta  ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.

Dhanka kale, waxaa guushaan soo dhaweeyay beesha caalamka iyo wadamada si gaar ah Soomaaliya u caawiya.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta.

Dowladda Qadar ayaa ugu hambalyeysay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go’aankan iyo dadaallada ay sameeyeen si ay u gaaraan marxaladdan dayn bixinta ah.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gashay mar-xalad cusub, iyadoo ballan qaaday inay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee hiigsanaya mustaqbal wanaagsan iyo barwaaqo.

Dhanka kale, safiirka Maraykan u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo lasoo xiriiray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay guusha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaareen, isagoo sheegay in Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka habaynta dhaqaalaha.

Sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre guusha la gaaray qorshaha dayn cafinta  ayaa Soomaaliya ugu dhigan sida soo socota:

  • Soomaaliya waxey heli doontaa xuquuqda ay ku leedahay hay’adaha dhaqaalaha adduunka sida Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Horumarinta Africa, Bangiga Islaamka iyo dhammaan hay’adaha horumarinta ee dowladaha dunida.
  • Guushaan waxey fursad fiican u fureysaa ganacsatada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay joogaan.
  • Soomaaliya ayaa heli doonta dhaqaalo fiican, taas oo micnaheedu yahay in dalku helo dib u dhis iyo horumar dhinacyada adeega bulshada sida caafimaadka iyo waxbrashada.
  • Waxaa billaaban doonta in shacabka Soomaaliyeed helaan adeegyo waafi ah oo noloshooda wax ka beddela.
  • Dowladdda Soomaaliyeed waxey heleysaa in dunidu ku aaminto dhaqaalaha dalka soo galaya taas oo ah waji cusub oo Soomaaliya yeelaneyso hadda kadib.
  • Waxaa Bangiyada Soomaaliyeed u dhib yaraan doona la maacaamiilka Bangiyada caalamka.
  • In heerkaan laga gaaro barnaamijka dayn cafinta waxey caddeyneysaa in dadka Soomaliyeed kasoo bixi karaan shuruud kasta oo la hordhigo markey gacmaha is qabsadaan.
  • Dowladda Soomaaliya ayaa hadda kadib awood u yeelan doonta in ay toos ula macaamisho wadamada adduunka iyadoon u marin hay’ado kale.

W/D: Axmed Maxamed Axmed

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud

Cutibyo katiran Ciidanka Gorgor ayaa howlo biyo dhaamin ah u sameeyay qoysas badan oo ku…

March 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa muqdisho oo daahfuray bandhigga wajiga 1-aad ee daraasadda Naqshadeynta Biyo Mareenada Magaalada Muqdisho.

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayay wejiga…

GudahaWararka
October 7, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA 

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol…

GudahaWararka
August 3, 2025

Shirka Wadatashiga istiraatijiyadda kheyraadka Biyaha oo maalintii labaad galay+Sawirro

Muqdisho (SONNA)-Shirkani wadatashiga sameynta istiraajiyada maareynta kheyraadka biyaha heer federal iyo dowlad goboleedka ayaa galay maalintii labadaa waxaa ka qeyb-galaya…

Wararka
October 13, 2020

Dowladdaha Soomaliya iyo Imaaratka oo kala saxiixday heshiis iskaashi militari

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo hawlo shaqo u jooga magaalada Abu dhabi ee dalka…

GudahaWararka
January 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023