Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?
MaqaalladaWararka

Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 1, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka 25-kii bisha Maarso  ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay calaamadda loo yaqaano “go’aan qaadasho” ee amaahda looga cafiyo wadamada la dhibaateysan deymaha, taas oo ka dhigan iney Soomaaliya noqoto wadddanka 37-aad ee marxaladdaan soo gaarta.

Madaxda dowladda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushaan weyn ee usoo hoyatay qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa sheegay in dowladdu sii laba jibbaari doonto  dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka si  Soomaaliya  ay xubin uga noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Maalgeshiga Caalamiga oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan maalgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan welwel ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa xusay in guushaan ku timid wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo  deganaashaha siyaasadeed ee dala ka jirtay  3-dii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna sheegay in guusha maanta laga gaaray deyn cafinta  ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.

Dhanka kale, waxaa guushaan soo dhaweeyay beesha caalamka iyo wadamada si gaar ah Soomaaliya u caawiya.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta.

Dowladda Qadar ayaa ugu hambalyeysay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go’aankan iyo dadaallada ay sameeyeen si ay u gaaraan marxaladdan dayn bixinta ah.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gashay mar-xalad cusub, iyadoo ballan qaaday inay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee hiigsanaya mustaqbal wanaagsan iyo barwaaqo.

Dhanka kale, safiirka Maraykan u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo lasoo xiriiray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay guusha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaareen, isagoo sheegay in Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka habaynta dhaqaalaha.

Sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre guusha la gaaray qorshaha dayn cafinta  ayaa Soomaaliya ugu dhigan sida soo socota:

  • Soomaaliya waxey heli doontaa xuquuqda ay ku leedahay hay’adaha dhaqaalaha adduunka sida Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Horumarinta Africa, Bangiga Islaamka iyo dhammaan hay’adaha horumarinta ee dowladaha dunida.
  • Guushaan waxey fursad fiican u fureysaa ganacsatada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay joogaan.
  • Soomaaliya ayaa heli doonta dhaqaalo fiican, taas oo micnaheedu yahay in dalku helo dib u dhis iyo horumar dhinacyada adeega bulshada sida caafimaadka iyo waxbrashada.
  • Waxaa billaaban doonta in shacabka Soomaaliyeed helaan adeegyo waafi ah oo noloshooda wax ka beddela.
  • Dowladdda Soomaaliyeed waxey heleysaa in dunidu ku aaminto dhaqaalaha dalka soo galaya taas oo ah waji cusub oo Soomaaliya yeelaneyso hadda kadib.
  • Waxaa Bangiyada Soomaaliyeed u dhib yaraan doona la maacaamiilka Bangiyada caalamka.
  • In heerkaan laga gaaro barnaamijka dayn cafinta waxey caddeyneysaa in dadka Soomaliyeed kasoo bixi karaan shuruud kasta oo la hordhigo markey gacmaha is qabsadaan.
  • Dowladda Soomaaliya ayaa hadda kadib awood u yeelan doonta in ay toos ula macaamisho wadamada adduunka iyadoon u marin hay’ado kale.

W/D: Axmed Maxamed Axmed

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhiirigelin ugu tagay ciidamada howgalka ka wada wadada isku-xirto Balcad iyo Jowhar

Jowhar, (SONNA): Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tagay deegaanka Mukay-dheere oo ay ku sugan yihiin…

GudahaWararka
October 25, 2024

Maamulka Qorsheynta XFS oo ka hadlay arrimo la xiriiray waxqabadka wasaaradda

Maamulka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan looga hadlaayey ansixinta warbixin sannadeedka waxqabadka…

Gudaha
March 8, 2024

Guddiga doorashooyinka oo kulan wada tashi ah la qaatay bulshada rayidka

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyadda JFS iyo…

GudahaWararka
November 19, 2024

Wasiirka Warfaafinta XFS oo hambalyo u diray Saxaafadda Soomaaliyeed

Muqdisho(SONN):-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Osman Abokar Dubbe ayaa hambalyo u diray dhamaan saxafiyiinta caalamka…

GudahaWararka
May 3, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023