Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
    Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo
    May 31, 2026
    WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA
    May 31, 2026
    Jadwalka imtixaanka  fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay
    May 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Kulan wada tashi ah ee dib-u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kulan wada tashi ah ee dib-u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo
GudahaWararkaWargayska

Kulan wada tashi ah ee dib-u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 8, 2020
4 Min Read
Share

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la-socodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa  kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen), Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada Koonfur Galbeed.

Ujeedda kulanka wadatashiga ayaa ahaa ka talogelinta madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo in loo soo bandhigo howlaha warbixino ku saabsan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Ugu horeyn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa soo bandhigtay warbixinta arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed kuwaasoo ah arrimaha ugu muhiimsan guud ahaan dib-u-eegista Dastuurka, waxayna si qoto dheer usoo bandhigtay hababka kala duwan ee aduunyadu u dhigto arrimaha laga galayo wada-xaajoodka siyaasadeed.

Sidoo kale Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudiga La-socodka Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa u gudbiyay Gollaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) warbixinta wax-ka-bedelka Dastuurka ee heer farsamo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftigareen ayaa soo dhaweeyey howlaha qaran ee ay wadaan saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka wuxuuna ku booriyey aqoonyahanka iyo shacab weeynaha Koonfur Galbeed in ay ka qaybqaataan dhamaystirka dastuurka ayna noqdaan dowllad Goboleedka ugu horeeya ee ka shaqeeya soona gudbiya talooyinkooda ku aadan warbixinta Dib-u-eegista Dastuurka, wuxuuna sidoo kale faray dhamaan hay’adaha iyo wasaaraddaha kala duwan ee Koonfur galbeed inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaah Dastuurka ee Koonfur galbeed soo aruurinta aragtiyaha kala duwan ee dowlad goboleedka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha dastuurka Mudane Dr. Hussien Cabdi Cilmi ayaa si waafi ah uga warxibiyey halka ay marayso guud ahaan dib-u-eegista dastuurka iyo arrimaha u baahan in wada-xaajoodka siyaasadeed laga galo.

“ bishii lasoo dhaafay wassaaraddu waxa ay qabatay kulama hawleedyo shaqo oo balaaran kuwaas oo aan la yeelanay guud ahaan hey’adaha kala duwan ee dowllada si loo soo aruuriyo arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed si loo mideeyo aragtida dowlada heer Federaal ahaan loona diyaariyo hal dukuminti oo mid ah kaasoo lagala xaajoon doono dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka ah hadii alle idmo, waxaana sidoo kale idinkana idinka rajeeynaynaa inaad sameeysaan taas mid la mid ah, waana hubaa inaad sameeyn doontaan” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka.

Dhanka kale, Hay’adaha u xilsaaran dib-u-Eegista Dastuurka ayaa kulan latashi ah oo ku saabsan dib-u -eegista dastuurka la yeeshay haweenka, dhalinyarada iyo ururada bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedka KonfuurGalbeed.

Wasiir Ku-xigeenka Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo la hadlayay bulashada rayidka Koonfur Galbeed ayaa yiri ”Waxaan rajaynayaa inaad daraasaad badan ku samaysaan dastuurka kana talo dhiibataan, kana dhiibataan aragtidiina si loo xaqiijiyo in qofkasta oo Soomaali ah ka dhex arko xaqiisa dastuurka waana hubaa in bulshada rayidka Koonfur Galbeed ay doorkooda qaadan doonaan”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka oo ku hadlayay magaca seddexda hay’ad ee u xilsaaran qabyo tirka dastuurka ayaa uga mahadceliyay guud ahaan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen iyo wadashqeynta wanaagsan ee ay u muujiyeen.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Cuba

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Maxamed Jaamac Haruuse oo maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka…

CaalamkaGudahaWararka
April 3, 2023

R/Wasaare Rooble oo isku badalay laba Wasiira oo ka tirsan xukuumadda

Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen  Rooble ayaa maanta isku bedelay labo Wasiir oo haayey xilalka Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista…

Gudaha
April 11, 2021

Madaxweyne Laftagareen  oo kulan la qaatay Wakiilka Cusub ee UNSOM ee Deeganada Koonfur Galbeed

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Cusub ee UNSOM…

GudahaWararka
February 5, 2024

Madaxweynaha Galmudug oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho-(SONNA)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Maalmahan safar Shaqo ugu maqnaa Dalka…

GudahaWararka
November 15, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023