Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
    Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago  abaalmirin ah”
    June 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Kulan wada tashi ah ee dib-u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kulan wada tashi ah ee dib-u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo
GudahaWararkaWargayska

Kulan wada tashi ah ee dib-u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 8, 2020
4 Min Read
Share

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la-socodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa  kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen), Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada Koonfur Galbeed.

Ujeedda kulanka wadatashiga ayaa ahaa ka talogelinta madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo in loo soo bandhigo howlaha warbixino ku saabsan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Ugu horeyn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa soo bandhigtay warbixinta arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed kuwaasoo ah arrimaha ugu muhiimsan guud ahaan dib-u-eegista Dastuurka, waxayna si qoto dheer usoo bandhigtay hababka kala duwan ee aduunyadu u dhigto arrimaha laga galayo wada-xaajoodka siyaasadeed.

Sidoo kale Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudiga La-socodka Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa u gudbiyay Gollaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) warbixinta wax-ka-bedelka Dastuurka ee heer farsamo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftigareen ayaa soo dhaweeyey howlaha qaran ee ay wadaan saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka wuxuuna ku booriyey aqoonyahanka iyo shacab weeynaha Koonfur Galbeed in ay ka qaybqaataan dhamaystirka dastuurka ayna noqdaan dowllad Goboleedka ugu horeeya ee ka shaqeeya soona gudbiya talooyinkooda ku aadan warbixinta Dib-u-eegista Dastuurka, wuxuuna sidoo kale faray dhamaan hay’adaha iyo wasaaraddaha kala duwan ee Koonfur galbeed inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaah Dastuurka ee Koonfur galbeed soo aruurinta aragtiyaha kala duwan ee dowlad goboleedka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha dastuurka Mudane Dr. Hussien Cabdi Cilmi ayaa si waafi ah uga warxibiyey halka ay marayso guud ahaan dib-u-eegista dastuurka iyo arrimaha u baahan in wada-xaajoodka siyaasadeed laga galo.

“ bishii lasoo dhaafay wassaaraddu waxa ay qabatay kulama hawleedyo shaqo oo balaaran kuwaas oo aan la yeelanay guud ahaan hey’adaha kala duwan ee dowllada si loo soo aruuriyo arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed si loo mideeyo aragtida dowlada heer Federaal ahaan loona diyaariyo hal dukuminti oo mid ah kaasoo lagala xaajoon doono dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka ah hadii alle idmo, waxaana sidoo kale idinkana idinka rajeeynaynaa inaad sameeysaan taas mid la mid ah, waana hubaa inaad sameeyn doontaan” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka.

Dhanka kale, Hay’adaha u xilsaaran dib-u-Eegista Dastuurka ayaa kulan latashi ah oo ku saabsan dib-u -eegista dastuurka la yeeshay haweenka, dhalinyarada iyo ururada bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedka KonfuurGalbeed.

Wasiir Ku-xigeenka Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo la hadlayay bulashada rayidka Koonfur Galbeed ayaa yiri ”Waxaan rajaynayaa inaad daraasaad badan ku samaysaan dastuurka kana talo dhiibataan, kana dhiibataan aragtidiina si loo xaqiijiyo in qofkasta oo Soomaali ah ka dhex arko xaqiisa dastuurka waana hubaa in bulshada rayidka Koonfur Galbeed ay doorkooda qaadan doonaan”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka oo ku hadlayay magaca seddexda hay’ad ee u xilsaaran qabyo tirka dastuurka ayaa uga mahadceliyay guud ahaan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen iyo wadashqeynta wanaagsan ee ay u muujiyeen.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Goboleedka Puntland ayaa maanta, oo ku beegan maalinta 1-aad ee Ciidul…

June 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada ammaanka oo howl-gal ka sameeyay Degmada Afgooye

Afgooye-(SONNA)-Ciidamada ammaanka Soomaalioya ayaa Xalay howl-gal Dad badan lagu soo qab-qabtay ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose. Howl-galkan…

Wararka
November 7, 2019

Talaalka Covid 19 ee ay ku deeqday Dowladda China ayaa maanta lagu daahfuray Magaalada Muqdisho

Muqdisho.(SONNA):- Safiirka Waddanka China, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa si toos ah Maanta…

GudahaWararka
April 14, 2021

Shir ku saabsan dib u eegista Dastuurka oo lagu soo gaba-gabeeyey Muqdisho

Muqdisho(SONNA)...Shirkaan oo u dhexeeyey hey’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka kmg ah ee Soomaaliya, sida guddiga madax bannaan ee…

Wararka
September 17, 2019

Maxkamadda sare oo go’aan ka gaartay kiiskii Sayid Cali

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin Da’uud, kadib markii…

GudahaWararka
September 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023