Muqdisho-(SONNA)-Berri waxa ay ku beegan tahay 8-da February markii la doortay Madaxwenaha Dowladda Federaalka , mudane; Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ay ka soo wareegatay muddo 3 Sano ah.
Haddaba maxaa u qabsoomay hay’adaha Dowladda waxaa ka jawaabay Wasiirka
Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka
qeybgalay Barnaamijka kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka.
Wasiirka waxa uu sheegay in Xukuumadda Nabad iyo Nolal ay horumar
weyn ka sameysay Ammaanka, Dhaqaalaha, Adeegga bulshada iyo Xiriirka
Caalamiga ah, inkastoo uu qiray in aan la gaarin meeshii la rabay
daruufaha jira awgeed iyo burburkii Dalka gaaray.
AMMAANKA
Wasiirka waxa uu sheegay in maanta ay leedahay Soomaaliya Ciidan
diiwaan gashan oo la siiyay tababar iyo mushaar kuwaas oo awood u leh
la dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta ammaanka, isaga oo aan
meesha ka saarin dhagarta argagixisada oo uu sheegay in aysan laheyn
awood ay kaga hortagaan Ciidanka
DHAQAALAHA
“Waxaan wax ka qabanahay dhaqaalaha, waxaa sanad kasta sare u kaca
dhaqaalaha Dalka taas oo sabab u ah sida aan u ilaalineyno amaanada,
waxaan si joogta ah u bixinay mushaaraadka, waxaa wax lagu faano ah
deyn cafinta oo waqti badan la galiyay haddana mareysa meel wanaagsan”
ayuu yiri Wasiir Maareeye.
ARRIMAHA BULSHADA
Maxamed Cabdi Maareeye oo ka hadlayay waxa laga qabtay arrimaha
bulshada ayaa sheegay in Xukuumadda ay Isxilqaan ku dhistay Xarumaha
danta guud, sida Maktabada Qaranka, Matxafka iyo Tiyaaterka, sidoo
kale waxa uu xusay Dhismaha Waddooyinka iyo ageega Waxbaradhada oo
gaaray gobolada Dalka.
XIRIIRKA CAALAMIGA AH
“Waxaan xoojinay xiriirka Caalamiga ah, waxaan dib usoo ceshanay
kuraastii Soomaaliya ay ku lahayd Ururada Caalamiga ah, maanta waxaa
loo baahan yahay Codka Soomaaliya, waxaan ku guuleysanay in aan soo
deyno Soomaali badan oo ku xirneed Xabsiyada Caalamka” sidaas waxaa
yiri Wasiir Maareeye