Manchester(SONNA)-Waxaa maalmihii la soo dhaafay shaki badan laga muujinayay mustaqbalka hoggaamiyaha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola, xilli la isla dhex marayay inuu dhawaantan isaga tagi doono kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League.
Macallinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa sheegay sabaabta kaliya ee uu kaga tagi doono Man City, isagoo carabaabay inay tahay kaliya in shaqada isaga la ceyriyo, maadaama kooxdu ku guuldarreysatay inay u tartamto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Tababarihii hore ee Kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Man City xagaagan, iyadoo Citizens ay 16 dhibcood ka dambeyso haatan hoggaamiyeyaasha horyaalka Premier League ee Liverpool.
Isagoo ka hadlaya shirkiisa jaraa’id ee ka hor ciyaartii ayaa barbaro 2-2 la galeen Crystal Palace Sabtidii, Guardiola ayaa yiri: “Waxaan ka hadlay marar badan, ilaa ay kooxdu iga ceyriso, waxaan joogi doonaa kooxdayda 100%, sidoo kale waxaan hubaa in 100% aan halkaan sii joogayo xilli ciyaareedka soo socda.”
Manchester City ayaa barbaro 2-2 la gashay Crystal Palace Sabtidii kaddib markii laga dhaliyay goolkii barbaraha daqiiqadii ugu dambeysay ee ciyaarta waliba gool kama’ah oo shabaqa kooxdiisa uu ku leexiyay Fernandinho.
Rikoorka taariikhiga ah ee uu gaarka la yahay Guardiola waa in uusan waligiis kusii nagaanin koox wax ka badan afar xilli ciyaareed, taasina waa sabab looga dhigayo in xagaagan Kooxda City ay wayn doonto hoggaamiyahooda Pep Guardiola.