Waxaa Magaalada Islamabad ee Dalka Pakistan kugeeriyooday Allaha Unaxariistee Jeneraal Axmed Warsame oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Qaar kamid ah ehalada Marxuumka ayaa sheegay in Dalkaasi Pakistaan mudooyinkan uu u joogay xaalada Caafimaad islamarkaasna uu kugeeriyooday Magaalada Islamabad ee dalkaasi.
Gen: Axmed Warsame ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka kuwooda ugu aqoonta badan wuxuuna soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid ahaa Qeybta 26aad XDS Madaxii Kuliyadda Jaale Siyaad wuxuu sidookale kamid ahaa Xildhibaanadii Barlamaankii 7aad iyo 8aad.
Inaalilaahi, wa inaa ileeyhi raajicuun Samir iyo iimaan Allaha kasiiyo qooyskii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu kbaxay.