Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
    Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
    June 30, 2025
    Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag
    June 30, 2025
    Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya
    June 30, 2025
    Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiiru-dawlaha Boostada & Isgaarsiinta XFS oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta tiknolojiyada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiiru-dawlaha Boostada & Isgaarsiinta XFS oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta tiknolojiyada
Wararka

Wasiiru-dawlaha Boostada & Isgaarsiinta XFS oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta tiknolojiyada

By Sonna Whiteka
Last updated: December 6, 2019
3 Min Read
Share

Accra – Ghana, (SONNA) Wasiiru-dawlaha Boostada, Isgaarsiinta, & Teknolojiyada, Mudane C/llaahi Bile Nuur, oo ka qeyb galayay shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Teknolojiyada ee Afrika ee galinkii dambe ee shalay lagu soo gabagabeeyay caasimadda dalka Ghana ee Accra, ayaa ka warbixiyay dadaallada Wasaaraddu ee la xiriira sidii loo horumarin lahaa aqoonta iyo helitaanka internetka ee dalka.

Wasiiru-dawlaha oo dood-wadaag kala qeyb galayay qaar ka mid ah wasiirrada isgaarsiinta Afrika ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay sidii loo baahin laha helitaanka internetka iyo horumarinta xirfadaha teknolojiyada, isagoo tusaale u soo qaatay qodobadan:

▪ Dalka waxaa soo gala 3 xarig oo internet, waxaana socda qorshaha 2 xarig oo kale lagu keenayo, kuwaas oo marka ay wada hirgalaan kordhin doona helitaanka, qiimaha iyo tayada adeegga internet ee dalka.

▪ Wasaaradda oo kaashaneysa Bankiga Adduunka waxay u fududeysay in qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda federaalka iyo kuwa heer dawlad-goboleed iyo qaar ka mid ah jaamacadaha dalka ay helaan adeeg internet.

▪ Wasaaraddu waxay waddaa qorshe lagu dhisayo Xarunta Hal-abuurka Teknolojiyadeed ee dalka (Somalia National Innovation Centre – SO NICE), taas oo noqon doonta goob xiriirisa xarumaha hal-abuurka dalka oo la doonayo in la gaarsiiyo heer degmo iyo in jaamacad kasta ay u furto ardeydeeda si ardeyda ka soo baxaysa jaamacadda ay u abuuran karaan shaqooyin.

▪ Waxaa dhowaan Golaha Wasiirradu uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii teknolojiyada loogu isticmaali lahaa waxbarashada iyo adeegyada kale ee loo adeegsado teknolojiyada.

▪ Wasaaraddu waxay dib u hawl-gelisay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inuu qeyb ka noqdo dadaallada lagu baahinayo aqoonta iyo xirfadaha teknolojiyadeed ee dalka.

Wasiiru-dawlaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa intii ay joogeen shirka waxay sidoo kale la kulmeen wasiirro, hay’ado iyo shirkado ka shaqeeya horumarinta aqoonta teknolojiyada iyo hal-abuurka si la isku weydaarsado waaya-aragnimada iyo teknolojiyadda loo adeegsado kobcinta aqoonta teknolojiyada.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen wasiirrada waxbarashada iyo isgaarsiinta ee qaaradda Afrika waxaa looga hadlayay kaalinta ay teknolojiyadu ka qaadan karto horumarinta waxbarashada, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay sida shirkadaha gaarka ah gacan uga siin karaan dawladaha Afrika dadaalladooda ku aaddan aqoonta teknolojiyada.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa…

June 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kalfadhigii lixaad ee labada Gole Baarlamaan oo beri la xirayo

Muqdisho(SONNA):-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 22-ka Bisha…

GudahaWararka
June 21, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ururka G77

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ururka G77+China oo Laba maalin ka…

GudahaWararka
September 17, 2023

Mdaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo la kulmay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee QM

Jowhar-(SONNA)-Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka Hirshabeelle…

GudahaWararka
March 12, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Qaahira Kula Kulmay Dhiggiisa Masar

Qaahira-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly.…

GudahaWararka
August 31, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023