Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Baaqa Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee Ka Qaybgalka Siyaasadda La Xirirta Dib U Eegista Dastuurka KMG
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Baaqa Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee Ka Qaybgalka Siyaasadda La Xirirta Dib U Eegista Dastuurka KMG
Wararka

Baaqa Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee Ka Qaybgalka Siyaasadda La Xirirta Dib U Eegista Dastuurka KMG

By Sonna Whiteka
Last updated: October 26, 2019
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Shirka aqoonsiga & horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xiriirta dib-u-eegista dastuurka KMG oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddiga La Socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, haweenka xubnaha ka ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo haweenka bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur-Galbeed, Galmudug, Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir.

Ka qaybgalayaasha ayaa waxay ku kulmeen Hotel SYL muddadii u dhaxeysay 22ka – 24ka Oktoobar 2019, Muqdishu – Soomaaliya.

Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid dadkii loo baahnaa in wax laga weydiiyo lagana talo-geliyo arrimaha aqoonsiga & horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;

  • Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda arrimaha xuquuqda haweenka;
  • Iyadoo ujeeddadu tahay in si cad ah la isula meel dhigayo wax ka qabashada arrimaha haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;
  • Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-Socodka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib-u-eegista dastuurka in ay tixgeliyaan talooyinka iyo natiijoyyinka ka soo baxa shirka;
  • Iyadoo la tixgelinayo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadka Soomaaliyeed ee dhamaystirka dastuurka iyo doorka haweenka Soomaaliyeed;

Ujeeddooyinka Shirka:

Shirka wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:

  1. Sidee loo Horumarin karaa haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda iyadoo lala eegayo cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad Farqadiisa 5aad.
  2. Xoojinta ka-qeybgalka haweenka iyo wacyigelinta dib-u-eegista dastuurka.
  3. Qeexida xuquuqda haweenka iyo in ay helaan cadaalad sharci ku dhisan.
  4. Helidda fikir mideysan oo taabagal ah si rasmi ahna loogu gudbiyo hay’adaha ay quseyso.

Shirka wuxuu isla aqoonsaday mabaadi’da soo socota:

  1. Lahaanshaha Dastuurka: Dastuurku waa heshiis bulsho oo saldhig u ah habka dawladnimada Soomaaliya.
  2. Xuquuq: Dastuurku waa kan ilaalinaya xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed astaynayana waajibaadka muwaadinka.
  3. U-wada-dhammaansho: Dastuurku waa in uu noqdaa mid ay kawada qayb-qaataan bulshada Soomaaliyeed laguna ilaaliyo u-dhammaanshaha matalaadda siyaasadeed iyo tan maamul matalaadda haweenka ugu yaraan 30%.

Haddaba, iyadoo la eegayo muhiimadda iyo mabaadi’da kor ku xusan, waxaa shirka ka soo baxay talooyinka iyo baaqa hoos ku xusan:

  1. Shirka wuxuu ku amaanayaa Dowladda Federaalka sida ay uga go’antahay ilaalinta xuquuqda haweenka, wuxuuna ku boorinayaa dowladda inay dardargeliso siyaasadaha iyo shuruucda la xidhiidha sugidda xuquuqda iyo karaamada aadanaha sida ku xusan Qodobka tobonaad ee Dastuurka KMG ah.
  2. Waa in lagu caddeeyaa dastuurka KMG qodobada ka hadlaya xuquuqda haweenka iyo doorkooda ka qayb galka siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada.
  3. Haweenka waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’addaha guud ee qaranka, ugu yaraan 30% gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa laysku magacaabo ee saddexda laamood ee dowladda iyo Guddiyada Madaxabannaan ee Qaranka, sida uu tilmaamayo dastuurka Cutubka 1aad, Qodobka 3aad Farqadiisa 5aad.
  4. Waa in la dhiso Guddi Haween ee dabagal ku sameeya geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.
  5. Waa in haweenka xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka ay hubiyaan xeerarka, dabagalaana dhammaan xilalka la magacaabayo ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed.
  6. Haweenku waa in ay si mug leh oo muuqata uga mid noqdaan arrimaha u baahan qodobada wada xaajoodka siyaasadeed ee dastuurka KMG ah, sida arrimaha masiiriga ah ee Hannanka Cadaaladda, Maqaamka Caasimadda, Amniga, Awood Qaybsiga, Khayraad Wadaaga, Nooca Doorashooyinka, Nooca Dowladda iyo Hannaanka Maaliyadda.
  7. Ugu dambeyn, haweenka Soomaaliyeed waxay ku baaqayaan wada hadal iyo in loo midoobo danta Diinta, Dadka iyo Dalka si loo gaaro xasilooni iyo dowladnimo waarta.

Bogaadin:

Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirka waxay xaqiijiyeen ka go’naashaha ka qaybqaadashada dib-u-eegista dastuurka iyo ilaalinta dhamaystirka dastuurka ee arrimaha la xiiriira xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.

Muqdisho, Soomaaliya

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shir looga hadlayay Go’aamo kasoo baxay Sacuudiga oo lagu qabtay Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta

Muqdisho(SONNA):-Shir looga hadlayay go’aamo Cusub oo ay soo saartay Wasaarada Xajka ee Dowlada Sacuudiga ayaa lagu qabtey xarunta Xafiiska Arrimaha…

GudahaWararka
May 27, 2024

Sacuudi Carabiya iyo Qadar oo ku dhow heshiis laga gaaro Gacanka

Dalalka Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku dhow inay gaaraan heshiis hordhac ah, si loo soo dhameeyo muranka ka jira…

Wararka
December 3, 2020

Madaxweyne Farmaajo oo Jabuuti ugu Hambalyeeyay Sannad Guurada 44-aad ee Xornimadooda

Muqdisho...(SONNA)...Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti u diray hambalyo…

GudahaWararka
June 27, 2021

Madaxweynaha JFS iyo wafdi la socda ayaa gaaray dalka Rwanda

MUQDISHO-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgelaya caleema-saarka Madaxweynaha Dalkaas Mudane Paul…

GudahaWararka
August 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023