Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxbannaan ee xuquuqul Insaanka
    December 10, 2025
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal Khawaarij ah oo Shabeelaha hoose ka dhacag
    December 10, 2025
    Mudanayaasha golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyey hindise sharciyeedka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
    December 10, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye
    December 10, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee XFS oo Muqdisho ka furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka
    December 10, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Boostada DFS oo Caabudwaaq  ka daahfurey adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Boostada DFS oo Caabudwaaq  ka daahfurey adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda
Wararka

Wasiirka Boostada DFS oo Caabudwaaq  ka daahfurey adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda

By Kulane
Last updated: October 22, 2019
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda ayaa daahfuray adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda Xarunta Jaamacadda Ummadda qaybteeda Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in adeegyadan ay yihiin kuwo bilow ah oo asaas u ah horumarinta Jaamacadda laguna dul dhisi doono mustaqbalka adeegyo kale oo ka horumarsan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ka dhabaynta balanqaadkii uu u sameeyey Jaamacadda Ummadda, waxaa uuna qiray in adeegyadan ay baahi weyn u qabtey Jaamacadda.

Munaasabadda daahfurka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay ardeyda, Macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Caabudwaaq, Gudoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex), Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, Maareeyaha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta ee Wasaaradda, Ganacsato iyo Maamulka Degmada.

Adeegyadan lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda ee Jaamacadda ayaa waxaa ka mid ah soo gelinta khad Internet ah oo ay isticmaali karaan Maamulka, Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda, Dhisimaha Shabakadda Gudaha (Network) ee Jaamacadda waxaa sidoo kale qayb ka ah 39 Laptops, Computers iyo Printers cusub oo  tayo sare leh.

Hirgelinta adeegyadan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Maktabakad Elektroonik ah (Digital Library) oo ay ku jiraan Buugaag, Casharo maqal iyo Muuqaal ah & maqaalo cilmi ah iyo tababaro loo samayn doono Shaqaalaha Teknoolojiyadda Jaamacadda, iyadda oo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa koox hawlwadeenno ah oo ku filan horumarinta iyo maamulka agabka lagu wareejiyey Jaamacadda.

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxbannaan ee xuquuqul Insaanka

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha…

December 10, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho-(SONNAO0-Ra'iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaalkiisii uu ku tagay Dalalka Qatar…

Wararka
December 20, 2019

Joe Biden oo la filayo in uu qaado Xayiraadaha dhinaca socdaalka ah ee saran dalal Muslim ah

Madaxweynaha la doortay ee maraykanka Joe Biden ayaa qorsheynaya in marka ugu horeysa ee uu la wareego xilka uu meesha…

Wararka
November 8, 2020

Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo la kulmay howlwadeenada Qunsuliyadda Guud ee Jiddah

Danjiraha cusub ee safaaradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya Mudane Aweys Xaaji Yuusuf ayaa magaalada Jiddah kula kulmay…

Gudaha
November 3, 2023

Qarax lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntiland oo ka dhacay Gaalkacyo

Muqdisho:SONNA)-Qarax ismiidaamin ah  ayaa goor dhaw  lagu dilay Gudoomiyahi gobolka Mudug ee maamulka Puntland,  Alle ha u naxariistee, Axmed Muuse…

Wararka
May 17, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023