Midowga Yurub ayaa ogolaaday in la sii xoojiyo wadahadalada kala dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska, si loo helo heshiis cusub oo ku sabsan ka bixida dalkaasi ee midowga Yurub.B
Go’aanka ayaa daba socday kulan dhexmaray madaxa wada xaajoodka kooxda Eu Michel Barnier iyo Safiirada 27-dal oo Yurub ah,ka dib kolii madaxaasi uu la shiray ninka Ingiriiska u qaabilsan ka bixitaanka Yurub Stephen Barclay.
Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa sii xoojin doona maalmaha soo socda wada hadalada ka bixitaanka, kadib markii ay horay u burbureen wadahadaladii u dhaxeeyay dhinacyadaasi.
Maalinta Isniiinta ee soo socota ayaa lagu wadaa in Guddiga Midowga Yurub ay qiimeeyaan natiijada wada xaajoodka la filan karo in uu dhexmaro labada hoggaamiye ee u kala dabqaadaya Yurub iyo Ingiriiska.