Muqdisho.(SONNA)-Mareykanka ayaa xabsiga dhigay labo xubnood oo sarsare oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Daacish, kuwaas oo ku can-baxay in ay madaxa ka jaraan dadka la haystayaasha ee sawirradooda laga sii daayo qalabka warbaahinta ee loo yaqaanno fiidiyowga.
Labada nin,oo ay horay u heysteen dagaalyahanada Kurdiyiinta ee ku sugan dalka Suuriya,waxaa ciidamada Mareykanka ay geeyeen xabsi Mileteri oo aamin ah,iyadoo la raacayo sharciga dagaalka
Sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Mareykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP maalinimadii shalay in labadaasi ruux ee ay hayaan ay ka mid yihiin shaqsiyaadka qiimaha ku dhex leh kooxda Daacish,isla markaana u qaabilsanaa madax-goynta dadka iyo jirdilka.
Wararka ay baahinayaan warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in labada nin ay kala yihiin El Shafee Elsheikh iyo Alexanda Amon Kotey,kuwaas oo qayb ka ah afar nin oo ku eedeysnaa in ay geysteen jirdil,afduub iyo xasuuq dad ajanabi ah