Muqdisho.(SONNA)…Qaar ka mid ah Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,ayaa ka qeybgalay tababarka furmay magaalada Muqdisho oo ku saabsan ka hortagga socdaalada sharcidarada ah.
Tababarkaan oo kor loogu qaadaayo xirfadaha aqooneed ee Saraakiishaasi,waxa uu socon doono muddo shan maalin ah,iyadoo macalimiin Turki ah ay bixin donaan casharro khuseeya socdaalada sharcidarada ah.
Tababarkaan waxaa si wadajir ah u furay Taliyaha Akadeemiyadda Boliiska Soomaaliya General Cabdirashiid Aadan Cilm, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo la-taliyaha amniga iyo arrimaha gudaha ee safaarada turkiga Col. Ahmet Altan.