Ugu yaraan 74 muhaajiriin ah oo ku socday dalalka Yurub,ayaa ku dhimatay xeebaha dalka Liibiya,kadib markii ay burburtay dooni oo ay la socdeen,sida ay ku warameen Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM)
Ilaalada xeebaha iyo kaluumeysato ka soo jeeda deegaanka Khoms ada ayaa badbaadiyay 47 qof,halka tirade guud ee dadka saran doontaasi ay ahaayeen 120 ruux.
Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in 8 qof oo ka mid ah 47 oo la soo badbaadiyay ay aad u liitaan ,iyadoo dadka dhintay ay ku jirtay gabar yar oo lix bilood jir ah.
Hey’adda IOM, ayaa sheegtay in shilkaani uu yahay kii sideedaan ee ka dhaca biyaha badweynta Mediyatareenamka,laga bartamihii sanadkaan illaa hadda.