Meydadka 23 qof oo muslimiinta Rohingya ah oo ka baxsanayay gobolka Rakhine ee dalka Myanmar ayaa la soo saaray, kaddib markii ay la degtay dooni yar oo ay la socdeen.
30 kale ayaa wali la laโyahay, halka 8 qofna lagu soo waramayo in ay ka badbaadeen shilkaasi,waxaana dadka rakaabka ah ee la socday doontaasi ay ahaayeen dhowr iyo konton ย qof.
Dadkaasi muslimiinta ah ee ka soo jeeda Mayanmaar ayaa la sheegay in ay ku socdeen Maleesiya.iyagoo ka ka baxsanaya cadaadiska Myanmar iyo xeryaha qaxootiga ee Bangladesh.
Sannad kasta kumannaan Rohingya ah ayaa isku daya safar halis ah oo loo marayo dhanka badda ,iyadoo ujeedku yahay in ay gaaraan Malaysia ama Indonesia.
Muslimiinta Rohinga waa qowmiyad laga tiro badan yahay ,waxana qaar badan oo ka mid ah dadkaasi u qaxeen Dalka ย Bangladesh sanadkii 2017-kii si ay uga baxsadaan olole xasuuq ah oo ay geysteen militariga Burma.
Muslimiinta ku haray Myanmar ayaa sidoo kale isku dayayay in ay baxsadaan halkaasi laga soo bilaabo ย afgambigii militariga ee 2021-kii illaa hadda.