Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro
Gudaha

Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro

By Kulane
Last updated: April 14, 2023
2 Min Read
Share

Daadadka webiyada ee ka dhashay roobabka lixaadka leh ee ka da’aya Soomaaliya waxay keeni karaan soo ifbaxa iyo in ay dillaacaan cudurrro halis ah oo ka dhallan kara biyaha ,sidaasi waxaa digniin ku bixiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegtay in roobabkaan ay ku soo aadeen xilli ay jireen  cudurka Daacuunka iyo shuban biyoodka oo laga soo sheegay  maamul goboleedyada Jubaland, Koonfurta Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

OCHA, oo soo xiganaysa tirokoob ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegtay in ugu yaraan 4,000 oo kiis oo looga shakisan yahay daacuunka iyo 17 dhimasho oo xidhiidh la leh laga soo sheegay 27 degmo tan iyo bishii Jannaayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Waxa ay intaa ku dartay in daadadka ka dhashay roobabka ay saameeyeen in ka badan 1,75,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya tan iyo bilowgii xilli roobaadka ee bartamihii bishii March, kuwaas oo 140,000 oo ka mid ah ay barakaceen.

“Haddii roobab mahiigaan ah ay ka da’aan Soomaaliya iyo dhulka sare ee Itoobiya inta lagu jiro xilliga, waxaa la qiyaasayaa in fatahaadaha wabiyada ay saameyn karaan ilaa 1.6 milyan oo qof, iyadoo in ka badan 600,000 ay ku barakici karaan,” OCHA ayaa sidaa ku digtay.

Waxa ay sheegtay in barakaca ugu badan uu ka dhici doono deegaannada kulul ee ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabeelle, iyo qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Banaadir, iyadoo horay fatahaado ay uga dhaceen deegaannada Galmudug, Puntland iyo Somaliland.

OCHA ayaa sheegtay in in ka badan 21 qof ay ku dhinteen daadad ka dhacay degmada Baardheere ee dowlad goboleedka Jubaland, kadib roobab xooggan oo da’ay 21-kii ilaa 24-kii bishii March.

Roobabkaan culus iyo daadadka ayaa yimid kaddib shan xilli oo abaar ah oo keenay barakaca in ka badan 1.4 milyan oo Soomaali ah iyo dhimashada 3.8 milyan oo xoolo ah tan iyo bartamihii 2021, ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫ada S𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 iyo Waxbarashada XFS 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 k𝐮 aadan 𝟏-𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐲 u 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan…

Gudaha
May 1, 2025

Culumada Hiiraan oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidamada gobolkaasi

Sheekh Maxamed Xasan Caadle iyo Sheekh Ibraahim Xasan Cismaan oo la hadlay qeybaha ciidamada ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa…

Gudaha
September 13, 2024

Taliska ciidanka xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay millatariga Turkiga

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen Odawaa Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillo ka socday saraakiisha ciidanka millatariga Turkiga…

GudahaWararka
April 20, 2021

Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka oo ka socda xarrumaha hay’addaha Dowladda

Muqdisho(SONNA):-Waxaa si habsami leh xarruumaha Dowladda uga socda Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka, si loo dardar galiyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha.Rayidka…

GudahaWararka
February 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023