Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday tijaabadii ugu horreysay ee lagu sameeyo gantaalkeedii ugu horreeyay ee oo loogu magac daray Hwasong-18 ,kaas oo awood u leh in uu iskaga kala goosho qaarad ka qaarad.
Subaxnimadii maanta Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay tijaabinta gantaalkaan oo lagu tilmaamay guul mucjiso ah.
Wakaaladda wararka ayaa soo xigatay Kim isagoo leh Hwasong-18 ayaa si degdeg ah u horumarin doonta jawaabta nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ,wuxuuna intaa raaciyay in ay sii wadi doonaan tayeynta iyo horumarinta hubkaย Nukliyeerka.
Tijaabada gantaalkaasi waxaa qeylo dhaan ka soo saaray Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, kuwaas oo muddo kooban ku amray dadka deggan jasiiradda Hokkaido ee waqooyiga dalkaasi inay isaga guuraan halkaasi.