35-ruux ayaa dhimatay ,afar kalana waxaaย soo gaaray dhaawacyo kadib kolkii gaari Bas ah oo siday dad rakaab ah oo maraayey wadada u dhexeysa Maka iyo Madiina uu ku dhacay gaari kale oo ah kuwa xamuulka,sida ay ku waramay Afhayeen u hadlay ciidamada Boliiska.
Wakaaladda Wararka Sacuudiga oo soo xiganeysay Afhayeenkaasia ayaa sheegay in shilkaasi oo ka dhacay magaalada al-Akhal ย uu yimid ka dib markii ay is-jiireen laba gaari oo mid ka mid ah uu ahaa ย Bas ay saarnaayeen Xujeey gaaraya 39-qof oo isugu jiray Carab iyo dad Aasiyaan ah,
Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa warku intaa ku daray in loo qaaday Cisbitaalka Al-Hamna ,waxaana jira baaritaanno ku aadan dhacdadaasi oo ay faraha ku hayaan ciidamada Boliiska Sacuudiga.
Shilkaan ayaa imaanaya ka dib markii bishii Abriil ee la soo dhaafay ย shil laba gaari oo ka dhacay gudaha Sacuudiga ay ย ku ย dhinteen ย 4-xujeey oo Ingiriis ah,isla markaana ay dhaawacmeen 12-qof.