Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka warfaafinta XFS oo ka qayb galay shir lagu xoojinayo xiriirka dalalka Turkiga iyo Soomaaliya
    February 25, 2026
    Degmada Xudur oo u gudubtay wareegga labaad ee tartanka Ramadaan
    February 25, 2026
    Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka
    February 25, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska boqortooyada Ingiriiska
    February 24, 2026
    War-saxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay ….
    February 24, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 30 Ruux oo ku dhintay, Nus Malyanna waa ku barakacday Daadadka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 30 Ruux oo ku dhintay, Nus Malyanna waa ku barakacday Daadadka (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

30 Ruux oo ku dhintay, Nus Malyanna waa ku barakacday Daadadka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 11, 2023
9 Min Read
Share

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda, waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda Webiga iyo Roobabkii cuslaa ee da’ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada, Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyo isu socodka Dadka,iyadoo ay xiran yihiin dhammaan Waddooyinkii soo galayay magaalada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran, waxaana la soo wareniayaa in gabi ahaanba go’day Buundadii Degmada Baardheere, sida laga soo xigtay Masuuliyiinta Degmadaasi.

Tuulooyinka ugu daran ee dadkii degganaa una badnaa Beeraley ayaa ka barakacay, waxayna kala yihiin:-   Shimbiroole, Beel la ooday, Hureenaa, Lebi ooman, Dhakaajo, Xagar buulle, Mugdiile, Buulo caddey, Bullo Asharaaf, Beladul Amiin, Xagar gandooble, Baciidley, Bulsho, Lebi cad, Dhoobley,Tawakal, Bilisyar iyo kuwa kale, waxaana lagu soo waramayaa in ku dhowaad todobaad istaagay dadka, Gaadiidka iyo Xoolaha isaga oo  kala gooshayay degmada Baardheere iyo deegaannada hoos taga, waxaanay biyaha la tageen dalagyadii soo go’ayay, iyadoo 11 ka mid ah 12-ka xaafadood ee Baardheere ayaa laga barakacay, waxana xirmay dhammaan goobihii ganacsi ee magaalada, mana jiraan wax gurmad ah oo gaaray halkaasi.

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda Webiyada dalka ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Cel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo,  waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaana lagu soo waramayaa in Dadka qaar ay ugu sii daran tahay in “Dadku meel ay wax ku karsadaan ay la’ yihiin”.

Waxaa go’day Buundadii Baardheere oo halbowla u aheyd isku socodka degmooyinka gobolka Gedo, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabka ka da’ay guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado. Buundada ayaa iska celin weysay xajmiga biyaha Webiga oo fatahaad sameeyay, taas oo sawir guud ka bixinaysa khatarta ka dhalatay fatahaadda ku dhuftay gobolka Gado, xilli 4 qof ay ku dhinteen daadadka Shacabka ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa walwal xooggan ka muujiyay go’doonka ay ku jiraan waxaana la gaarsiisay laba dooni oo ka qeyb qaadan doonta gurmadka dadka ku go’doonsan xaafadaha magaalada.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland oo ka hadlayay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka ayuu sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay, halka dadka barakacay guud ahaan Jubaland ay yihiin 90,000 oo Qoys, waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo Qoys, kuwaasi oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro, wuxuuna intaasi ku daray in dad gaaraya 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey ayuu Madaxweynuhu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa la soo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubbada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof.

Guud ahaan inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:- Tirada saameynta tooska ah ku yeelatay 1 Malyan (1.000,000) qof,  halka Dhimashada guud ay tahay 30 qof, Dadka ku barakacay ayaa iyana lagu sheegay 500,000 qof. Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada maamul-goboleed ee kala ah Jubbaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo Bakool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen, isla markaana ay ku hanti beeleen.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado Webiyada iyo Daadad ay keenaan Roobab ee ka da’ay dalka, sida lagu ogaaday saadaallo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taasi oo na-tusineysa in Roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo ka mid ah dalka, Dadka ku dhintay Roobka iyo fatahaadaha waa in ka badan 30 ruux, waxaana ku barakaceen nus malyan dad ah”.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, mar uu ka hadlayay Salaadda Jimcaha kadib Masjid, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira Roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay ka saameeyaan dalka oo ka badan inta haatan la soo sheegayo.

Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan Webiyada jiinkooda iyo kuwa meelaha gudan degan, kuwaasi oo halis gaara ugu jira daadad xoogga leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha Webiga iyo dhulalka godan, wuxuuna ugu dambeyn ku booriyay Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka la soo werinayo, islamarkaana waxa uu ku adkeeyay Madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo tan ka sii daran oo dadkeenna ka soo gaari karta Roobabka iyo fatahaadaha kaleba.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in xaalad halis ah uu ku jiro gobolka Gado, gaar ahaan degmooyinka; Doowlow, Baardheere, Luuq, Buurdhubo, garbahaarey, oo uu sheegay in ay dadka qaar ay go’doomeen, sidoo kale waxa uu xusay garoomadii ku yiilay in ay dhammaantood wada xirmeen, Dhanka dowlad gobaleedka Jubbaland Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ay ku soo rogmadeen togog kuwaasi oo xusay in ay geysteen khasaare kala duwa.

Dhanka deegaannada Koonfur Galbeed ayuu sheegay in laga soo warinaya xaalad halis ah, iyada oo magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Ceelbarde, Raqdhuube iyo Waajid laga soo warinaya xaalad la mid ah kuwa magaalooyinka kale, iaagoo intaasi raaciyay in Webiga Shabeelle laga cabsi qabo in uu fataho, kaasi oo biya badan uu soo wado, taasi oo keentay in dadka qaar ay hadda bilaabeyn in ay sii diyaar garoowaan, ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Xukuumadda ay iska saartay qaar ka mid golaha Wasiirrada, kuwaas oo ka kala socday Wasaaradaha; Arrimaha gudaha, Caafimaadka, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Ciidanka iyo Duulimaadka.

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ku dhow 5 Malyan oo Doolarka Maraykanka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya guddoonsiisay Hey’adda ka hortagga Gaajada( Action against Hunger), lacagtaasi oo loogu talagalay in lagula tacaalo Dadka ku waxyeeloobay Daadadka ka jira Dalka, waxaa kaloo jirta in Hey’adda IOM ay hore ugu deeqday Soomaalida lacag gaareysa 4 Milyan oo Doolar oo ku aadan wax u qabashada dadyowga ku barakaca Fatahaadaha iyo Daadadka.

Ugu dambeyntii Dowladda Soomaliya oo Digniin ka soo saartay Fatahaadda uu sameyn doono Webiga Shabeelle,  Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Heya’adda maaraynta masiibooyinka ayaa ka digay Fatahaad waxyeelo sababi karta oo uu saameyn doono Webiga Shabeelle maalmaha Fooda inagu soo haya.

Ra’iisul wasaare Saalax ayaa Shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Webiga Jiinkiisa ah iyo sidoo kale Goobaha Webigu ku sameeyo fatahaada xiliyadda Roobabka, sidoo kale Ra’iisul wasaare xigeenka ayaa sheegay in gobolada u direen Doomo lagu badbaadinayo Shacabka, ugu dambeyntiina wuxuu Ra’iisul wasaare kuxigeenku baaq u diray in qurbejoogga, Ganacsatada iyo cid walba ka qayb qaadato gurmadka loo fidinayo Shacabka Waxyeeladdu ka soo gaartay Roobabka iyo Fatahaadaha Webiyadda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka warfaafinta XFS oo ka qayb galay shir lagu xoojinayo xiriirka dalalka Turkiga iyo Soomaaliya

AnkaraSONNA):-Shir heer sare ah oo lagu xoojinayo saaxiibtinnimada iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo…

February 25, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Degmada Cali-Gaduud

Hirshabeelle(SONNA):-Maamulka, dhaqanka, wax-garadka, haweenka, kooxaha hiddaha iyo dhaqanka, iyo bulshada degmada Cali Gaduud ayaa galabta si wadajir ah u soo…

GudahaWararka
July 22, 2024

Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday gobolka Bari ee Puntland

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo…

GudahaWararka
April 2, 2025

Labada Gole oo boogaadiyay qeybaha ciidanka ee dagaalka kula jiro khawaarijta

Qaar kamid ah xildhibaanada labada Aqal ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageeraayey qeybaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa…

Gudaha
April 18, 2025

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo ka hadashay gargaarka la geynayo deegaanada la xoreeyay iyo kuwa dhimman

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyey kulan looga hadlay xasilinta iyo isku-duwidda…

Gudaha
August 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023