Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: 30 Ruux oo ku dhintay, Nus Malyanna waa ku barakacday Daadadka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 30 Ruux oo ku dhintay, Nus Malyanna waa ku barakacday Daadadka (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

30 Ruux oo ku dhintay, Nus Malyanna waa ku barakacday Daadadka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 11, 2023
9 Min Read
Share

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda, waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda Webiga iyo Roobabkii cuslaa ee da’ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada, Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyo isu socodka Dadka,iyadoo ay xiran yihiin dhammaan Waddooyinkii soo galayay magaalada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran, waxaana la soo wareniayaa in gabi ahaanba go’day Buundadii Degmada Baardheere, sida laga soo xigtay Masuuliyiinta Degmadaasi.

Tuulooyinka ugu daran ee dadkii degganaa una badnaa Beeraley ayaa ka barakacay, waxayna kala yihiin:-   Shimbiroole, Beel la ooday, Hureenaa, Lebi ooman, Dhakaajo, Xagar buulle, Mugdiile, Buulo caddey, Bullo Asharaaf, Beladul Amiin, Xagar gandooble, Baciidley, Bulsho, Lebi cad, Dhoobley,Tawakal, Bilisyar iyo kuwa kale, waxaana lagu soo waramayaa in ku dhowaad todobaad istaagay dadka, Gaadiidka iyo Xoolaha isaga oo  kala gooshayay degmada Baardheere iyo deegaannada hoos taga, waxaanay biyaha la tageen dalagyadii soo go’ayay, iyadoo 11 ka mid ah 12-ka xaafadood ee Baardheere ayaa laga barakacay, waxana xirmay dhammaan goobihii ganacsi ee magaalada, mana jiraan wax gurmad ah oo gaaray halkaasi.

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda Webiyada dalka ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Cel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo,  waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaana lagu soo waramayaa in Dadka qaar ay ugu sii daran tahay in “Dadku meel ay wax ku karsadaan ay la’ yihiin”.

Waxaa go’day Buundadii Baardheere oo halbowla u aheyd isku socodka degmooyinka gobolka Gedo, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabka ka da’ay guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado. Buundada ayaa iska celin weysay xajmiga biyaha Webiga oo fatahaad sameeyay, taas oo sawir guud ka bixinaysa khatarta ka dhalatay fatahaadda ku dhuftay gobolka Gado, xilli 4 qof ay ku dhinteen daadadka Shacabka ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa walwal xooggan ka muujiyay go’doonka ay ku jiraan waxaana la gaarsiisay laba dooni oo ka qeyb qaadan doonta gurmadka dadka ku go’doonsan xaafadaha magaalada.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland oo ka hadlayay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka ayuu sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay, halka dadka barakacay guud ahaan Jubaland ay yihiin 90,000 oo Qoys, waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo Qoys, kuwaasi oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro, wuxuuna intaasi ku daray in dad gaaraya 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey ayuu Madaxweynuhu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa la soo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubbada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof.

Guud ahaan inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:- Tirada saameynta tooska ah ku yeelatay 1 Malyan (1.000,000) qof,  halka Dhimashada guud ay tahay 30 qof, Dadka ku barakacay ayaa iyana lagu sheegay 500,000 qof. Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada maamul-goboleed ee kala ah Jubbaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo Bakool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen, isla markaana ay ku hanti beeleen.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado Webiyada iyo Daadad ay keenaan Roobab ee ka da’ay dalka, sida lagu ogaaday saadaallo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taasi oo na-tusineysa in Roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo ka mid ah dalka, Dadka ku dhintay Roobka iyo fatahaadaha waa in ka badan 30 ruux, waxaana ku barakaceen nus malyan dad ah”.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, mar uu ka hadlayay Salaadda Jimcaha kadib Masjid, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira Roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay ka saameeyaan dalka oo ka badan inta haatan la soo sheegayo.

Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan Webiyada jiinkooda iyo kuwa meelaha gudan degan, kuwaasi oo halis gaara ugu jira daadad xoogga leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha Webiga iyo dhulalka godan, wuxuuna ugu dambeyn ku booriyay Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka la soo werinayo, islamarkaana waxa uu ku adkeeyay Madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo tan ka sii daran oo dadkeenna ka soo gaari karta Roobabka iyo fatahaadaha kaleba.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in xaalad halis ah uu ku jiro gobolka Gado, gaar ahaan degmooyinka; Doowlow, Baardheere, Luuq, Buurdhubo, garbahaarey, oo uu sheegay in ay dadka qaar ay go’doomeen, sidoo kale waxa uu xusay garoomadii ku yiilay in ay dhammaantood wada xirmeen, Dhanka dowlad gobaleedka Jubbaland Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ay ku soo rogmadeen togog kuwaasi oo xusay in ay geysteen khasaare kala duwa.

Dhanka deegaannada Koonfur Galbeed ayuu sheegay in laga soo warinaya xaalad halis ah, iyada oo magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Ceelbarde, Raqdhuube iyo Waajid laga soo warinaya xaalad la mid ah kuwa magaalooyinka kale, iaagoo intaasi raaciyay in Webiga Shabeelle laga cabsi qabo in uu fataho, kaasi oo biya badan uu soo wado, taasi oo keentay in dadka qaar ay hadda bilaabeyn in ay sii diyaar garoowaan, ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Xukuumadda ay iska saartay qaar ka mid golaha Wasiirrada, kuwaas oo ka kala socday Wasaaradaha; Arrimaha gudaha, Caafimaadka, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Ciidanka iyo Duulimaadka.

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ku dhow 5 Malyan oo Doolarka Maraykanka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya guddoonsiisay Hey’adda ka hortagga Gaajada( Action against Hunger), lacagtaasi oo loogu talagalay in lagula tacaalo Dadka ku waxyeeloobay Daadadka ka jira Dalka, waxaa kaloo jirta in Hey’adda IOM ay hore ugu deeqday Soomaalida lacag gaareysa 4 Milyan oo Doolar oo ku aadan wax u qabashada dadyowga ku barakaca Fatahaadaha iyo Daadadka.

Ugu dambeyntii Dowladda Soomaliya oo Digniin ka soo saartay Fatahaadda uu sameyn doono Webiga Shabeelle,  Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Heya’adda maaraynta masiibooyinka ayaa ka digay Fatahaad waxyeelo sababi karta oo uu saameyn doono Webiga Shabeelle maalmaha Fooda inagu soo haya.

Ra’iisul wasaare Saalax ayaa Shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Webiga Jiinkiisa ah iyo sidoo kale Goobaha Webigu ku sameeyo fatahaada xiliyadda Roobabka, sidoo kale Ra’iisul wasaare xigeenka ayaa sheegay in gobolada u direen Doomo lagu badbaadinayo Shacabka, ugu dambeyntiina wuxuu Ra’iisul wasaare kuxigeenku baaq u diray in qurbejoogga, Ganacsatada iyo cid walba ka qayb qaadato gurmadka loo fidinayo Shacabka Waxyeeladdu ka soo gaartay Roobabka iyo Fatahaadaha Webiyadda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanka Masaggawaay ee gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb-(SONNA)-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA ayaa 1,300 oo qoys oo ku dhaqan degaanka Masaggawaay ee gobolka Galgaduud u qeybisay gargaar…

GudahaWararka
April 23, 2024

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir oo Tababar u soo xirtay shaqalaha adeeg bixinta

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta soo xirtay Tababar ku saabsan…

GudahaWararka
September 23, 2021

Tartan-Isgaarsiineedka Shirkadaha INTERNET-ka yuu faa’iido u yahay?

Magaca internet wuxuu ka yimid ereyga interconnection network, oo loo soo gaabiyey internet. Internet waa hab aduunka oo dhan u furan iney isu dhaafsadaan ogaalka,wacaasha, cilmiga,…

GudahaMaqaallada
December 4, 2024

Ciidamada Jubbaland oo fashiliyay miinooyin ay aaseen khawaarijta

Kismaayo-(SONNA)-Ciimada sugaya amaanka deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose ayaa howlgal miino baaris ah ka fuliyey Tuulada Laagta caanoole…

GudahaWararka
September 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023