Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: 2023 ‘Sanadkii Guulaha Soomaaliya’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 2023 ‘Sanadkii Guulaha Soomaaliya’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

2023 ‘Sanadkii Guulaha Soomaaliya’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 1, 2024
12 Min Read
Share

Sanadkii tegay ee 2023-kii ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa sanad Soomaaliya ay ku tilaabsatay guulo fara badan, waxaana ka mid ahaa inuu ahaa:-

1.Wuxuu ahaa sanadkii la quusiyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab:-  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Wuxuu ahaa sanadkii soo celinta heybadda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo ka maarminta Ajaanibta: waayo Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka, waana Jamhuuriyadda seddexaad ee aan Ajnabi ilaalin”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

3.Wuxuu ahaa sanadkii xasilinta Xamar iyo sugidda amniga Caasimadda: Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

4.Wuxuu ahaa sanadkii Deyn Cafinta: Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Deymaha nalaga cafiyay ayaa ah mid la qaatay xilli hore, waxaana deyntii ugu horreysay oo qeyb ka ah kuwa hadda nalaga dhaafay la qaatay 1961-kii, waa xilligii xornimada aynu qaadanay wax yar ka dib, waxayna aheyd lacag Ruuska laga qaatay oo aheyd ‘Commercial loan’.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka soo hooyay Barnaamijka Deyn cafintu, wuxuuna Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan hey’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga aheyd ee dalkeennu ka gaaray barnaamijka deyn cafinta, wuxuuna mas’uuliyiintaasi kala hadlay sidii hey’adahoodu ay mar kale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himilooyinka dhaqaale ee u degsan, tayaynta hey’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah.

Haddaba Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomasliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa sharaxad dheeri ka bixiyay waxa ay Soomaaliya ka faaideyso Barnaamijka deyn-cafinta iyo faa’idada laga helayo?, wuxuuna hoosta ka xariiqay in faa’idada koowaad ee Soomaaliya ay ka heleyso lacagaha deynta ee laga cafiyay ay tahay in mar kale macaamiil toos ah la yeelato hey’adaha maaliyadeed ee adduunka iyo in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu uu kor u kacdo.

” Waxay koow ka tahay in culeyskii deymeed inaga haray iyo in mar labaad dib u dhalanay marka laga hadlayo macaamilaadka hay’adaha maaliyadeed ee adduunka oo macaamil toos ah la yeelan doono, in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo, fursado kobac dhaqaale iyo mid shaqo abuurna ay ka dhalan doonaan iyo in sumcaddeenii dal ahaan kor u kacdo,” ayuu yiri Wasiirka oo ka jawaabayay su’aalo ay shacabka Soomaaliyeed ka weydiiyeen Barnaamijka Deyn-cafinta. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in fursado waaweyn oo ay ugu mudan yihiin kuwa uu hore u soo sheegay ay ku jiraan tallaabada Soomaaliya looga cafiyay deyn dhan 4.5bilyan dollar, taasi oo ku guuleysatay geeddi muddo dheer soo socday.

5.wuxuu ahaa sanadkii qaadista Cuneqabateynta Hubka iyo tayeynta ciidamada Qaranka: Soomaaliya ayay cuneqabateynta hubka saareyd muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bishii Desmber ee sanadkii tegay Xubnaha Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

6.wuxuu ahaa sanadkii ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiha Dhaqaalaha Barigab Afrika (EAC): Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

7.wuxuu ahaa sanadkii hirgalinta ‘Soomaali Heshiis ah’ iyo dardargalinta wadahadaladii Somaliland: Waxaa kaloo jirta in dhammaadka sanadkan ay dowladda Soomaaliya ay wadahadallo la furtay maamulka Soomaaliland, iyadoo labada masuul ee Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo Muuse Biixi ay wadahadal ku yeesheen Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu isu keenay labada dhinac Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad, waxaana ugu dambeyn tii laga soo saaray war-murtiyeed, taasi oo ka turjumeysa halku dhigga ah ‘SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH’.

8.Wuxuu ahaa sanadkii tayeynta Waxbarashada Dalka iyo tababaridda Macallimiin Tayo leh: dhinaca Waxbarashada sanadkii tegay waxaa dardar hor leh la galiayay Tayeynta Waxbarashada oo uu hoggaaminayay Wasiirka Waxabarashada mudane Faarax Cabdulqaadir, waxaana sanadkaasi la qaatay 3 kun oo Macallim, kuwaasi oo hadda ka howlgala Dugsiyada dalka.

9.Wuxuu ahaa sanadkii dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”. “Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo, Dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka Dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan, waxaana la filaa inay howshiisu dhammaato sanadka cusub ee 2024-ka.

Dhinaca kale Bilawga sanadka 2024-ka, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing, waxa ay u rajaynaysaa dhammaan Soomaalida sanad cusub oo farxad leh, isla markaana barwaaqo ah, waxayna dib u xaqiijinaysaa sida bahda Qaramada Midoobay ay uga go’an tahay inay taageeraan dadaalkooda ku aaddan dhisidda Soomaaliya oo xasilloon.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.

By: C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Deegaanka oo baaritaan ku sameyneysa fuustooyin sun looga shakiyay oo lagu arkay xeebta Cadale

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku…

GudahaWararka
February 27, 2023

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka oo maleeshiyaadka Khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose. Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka…

GudahaWararka
October 6, 2025

Soomaali magangelyo doon ah oo ku geeriyooday xuduudka u dhexeeya Dalalka Turkiga iyo Giriiga

Muqdisho(SONNA):-Lix qof oo Soomaali muhaajiriin ah ayaa ku geeriyooday Xuduudka u dhexeeya Dalalka Turkiga iyo Giriiga, lixdaan qof ayaa maydadkooda…

GudahaWararka
February 5, 2022

Muqdisho oo maanta laga furay Xafiiska Qaramada midboobay ee UNTMIS

Muqdisho(SONNA):-Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda, wakiillada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo…

GudahaWararka
November 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023