Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 120 khawaarijta ah oo lagu dilay duqeymahii ka dhacay magaalada Jilib
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 120 khawaarijta ah oo lagu dilay duqeymahii ka dhacay magaalada Jilib
GudahaWararka

120 khawaarijta ah oo lagu dilay duqeymahii ka dhacay magaalada Jilib

By Kanaava Mohamed
Last updated: March 17, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo lagu bartilmaameedsaday xarummo waaweyn oo ay Khawaarijta ku lahaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayadoo duqeymahaasi ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kasoo gaartay khasaare xooggan.

Wararka hordhaca ah ee ay Warbaahinta Qaranka ka heshay khasaaraha guud ee duqeymaha degmada Jilib ku gaaray maleeshiyadaadka Khawaarijta waa dhimashada 20 meeyo horjoogayaal sar sare, dhexe iyo maleeshiyaad 100 gaaraya oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, waana duqeymihii ugu ballaarnaa ee gudaha degmada Jilib laga fuliyo mudooyinkaan.

Duqeymaha kuwa ugu horeeya waxaa lala bartilmaameedsaday xaruntii maamulkii degmada Jilib oo hada ah fariisinka ugu weyn ee Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ku lahaayeen gobollada Jubbooyinka, waxaana duqeyntaasi ay dhacday xili ay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta halkaasi ku shirsanaayeen, ayadoo uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimashada iyo dhaawaca horjoogayaal sar sare oo Khawaarijta ka tirsan iyo maleeshiyaadkooda.

Duqeynta Labaad waxa ay ka dhacday xarun weyn oo isugu jirtay xarun tababar Maleeshiyaad iyo meel ay ku marin habaabiyaan carruurta waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsaday goob ay deegaan ahaan u degenaayeen horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsan marin habaabinta iyo luminta carruurta, ayadoo halkaasina uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Xarunta Karuur oo ah keyd weyn oo ay Khawaarijta Al-Shabaab ku keydsan jireen saadka dagaalka ayaa ka mid ah goobaha la duqeeyey ayadoo halkaasi ay gebi ahaanba bes beeshay oo ay gubatay waayo goobtaasi waxaa waxyaabaha ku keydsanaa ku jiray shidaal taasi oo keentay in hubkii iyo agabkii kale ee yeelay ay gebi ahaanba baaba’aan.

Duqeymo dhowr ah ayaa sidoo kale lala eegtay guryo ay deganaayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo ku yaala gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayadoo duqeynta gurayaha horjoogayaasha Khawaarijta uu ka dhashay khasaare lexaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed.

Horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab oo markii hore si raaxo leh ku joogay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa hada bilaabay iney ka kala cararaan magaalada, ayagoo naftooda ula cararay duurka waxaana magaaladii Jilib ee Taliskii dhexe ee Khawaarijta aheyd hada ay tahay mid haawaneysa oo baqdin aawgeed duurka iyo beeraha loo miciin biday.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye ku xigeenkii Siyaasadda ee degmada Dayniile oo qarax argagixiso lagu dilay.

Muqdisho(SONNA):-Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Siyaasadda ee degmada Dayniile ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray qarax  miino dhulka…

GudahaWararka
April 20, 2021

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo kormeer ku tegay Wadada jaziira

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray dhismaha wadada Jazeera oo…

GudahaWararka
January 31, 2022

Israa’iil oo weerar xagga cirka ah ku qaadday Gaza

Israa’iil ayaa dhowr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee go’doonsan maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay…

Caalamka
January 27, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay shir deg deg ah oo ay yeesheen Madaxda Ururka IGAD

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda…

GudahaWararka
April 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023