Hindiya:12 ruux oo ku dhintay macbad ku yaalla Kashmiir

La wadaag cid kale

Ugu yaraan 12 qof ayaa dhimatay 20 kalana waxaa soo gaarat  dhaawacyo,ka dib kolkii saacadihii hore ee manta ay isbuurteen dad ku sugnaa  goob lagu cibaadeysto oo ku taalla dhanka maamulka Kashmiree Hindiya.

Saraakiisha India ee ayaa sheegay in 12 qof ay naftooda waayeey ,20 kalena uu soo gaaray dhaawacyo ,ka dib markii macbad lagu magacaabo Mata Vaishno Devi oo ku yaalla woqooyiga Hindiya ay ka dhacday isbuurasho.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa ka tacsiyeeyay geerida dadkaasi,wuxuuna sheegay in uu ka xun yahay khasaaraha nafeed.

Maalin kasta tobanaan kun oo dad ah ayaa booqda macbadka,si ay ugu soo duceystaan, waxaana loo malaynayaa inay jirtay saxmad aad u weyn maadaama lagu jiro xilliga fasaxa ee sanadka cusub.

La wadaag cid kale