Wakaalada wararka ee SANA ayaa sheegtay in weerarka lala beegsaday basas oo ku sugnaa gobolka Deir Az Zor,lagu dilay 10 ka mid ah shaqaalaha goobaha shidaalka sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda ee SANA.
Weerarkaan oo dhacay maanta oo Jimco ah ayaa sidoo kale,waxaa ku dhaawacmay laba kale ,kadin kolkii la beegsaday saddex bas oo shaqaale ka soo qaaday goobta saliidda ee al-Taim ee gobolka Deir Az Zor.
SANA ma aysan bixin wax war ah oo ku saabsan qaabka uu weerarka u dhacay iyo cidda ka danbeysa, balse xubin fadhigiisu yahay Ingiriiska ayaa ku eedeeyay “unugyada kooxda Dowladda Islaamka”, isaga oo ula jeeday ISIL
“Weerarka maanta ayaa ku bilowday qaraxyo lala beegsaday basaska, ka dibna dableydaasi ย ayaa toogtay shaqaalihii la socday basaska,” Rami Abdel Rahman, oo ah agaasimaha kooxda xuquuqda aadanaha ee Suuriya, ayaa u sheegay AFP.