Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dekadda Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsada dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika Sannadkii 2024
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: 1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > 1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”
MaqaalladaWararka

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

By Axmed
Last updated: July 1, 2024
5 Min Read
Share

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshada.

Maalmaha xorriyadda waxay mudnaantaan goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto ,kadib kolkii maalmahaasi loo huray naf iyo maal, gaar ahaan kuwa qiimaha badan sida maalmaha qarannimada.

Shacbiga soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magac weyna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga afrika.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay,muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystigii ingiriiska, wuxuuna jab taariikkaysan ku riday ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta
Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir iyo dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo sidoo kale kuwo kale oo ka socday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka qeybgalay kifaaxii goballada waqooyi ee dalka
1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5-ta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud waxayna gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfur iyo waqooyi oo ku heshiiyay in ay midoobaan labada gobol, lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).

4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur,waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee Soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

Gabagabadii,dadka Soomaaliyeed waxa ay manta u dareereen xuska sanadguurada 64-aad ee ka soo waregatay dhalashadii xornimada,sidaa aawadeed, waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii ay ku mataanobeen dadka soomaaliyeed,kaas oo abwaanada soomaaliyeed ay ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo harraad mudanee, maantay curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

W/D:- Abuukar Gob-doon

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dekadda Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsada dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika Sannadkii 2024

Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku faraxsantahay inay ku…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay waqtiga uu Bilaabanayo Imtixaanka Shaadiga ee dugsiyada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa war qoreaal ah oo ay soo saartay maanta ku shaacisay…

Wararka
June 30, 2020

Guddiga gurmadka ayaa xaqiijiyay in la helay 12 qof oo la waaysanaa

Muqdisho -(SONNA)- Guddiga gurmadka Qaranka ayaa xaqiijiyay in 24 ruux oo la weysanaa 12 ka mid ah la helay,5 ruux…

Wararka
December 30, 2019

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo gargaar gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii Soobe 2

13 qoys oo ka mid ah  ehelada dadkii ku waxyooloobay qaraxyadii Zoobe 2 ayaa manta  Hay’ada IHH Humanitarian Relief Foundation…

GudahaWararka
December 25, 2022

Shir looga hadlayo arrimaha Deyn cafinta Soomaaliya oo ka socda Addis-ababa

Addis-ababa (SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya…

Wararka
September 12, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023