Muqdisho, Sabti, 18 Janaayo 2025: โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.
Raโiisul wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan heyโaddaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan heyโaddaha caddaaladda dalka.
โHirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis laโaan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeedโ. Ayuu yiri raโiisul wasaaraha.
Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha garsoorka dalka, waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan heyโaddaha caddaaladda dalka.