Muqdisho(SONNA):-๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ : Shirka koowaad oo ay shir guddoominaysay Agaasimaha Guud ee Hayโadda Lacagta Adduunka ee IMF ๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ ๐๐๐จ๐ซ๐ ๐ข๐๐ฏ๐ ayaa waxaa khudbad kooban ka jeediyay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige isaga oo ku hadlayay afka dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay.
Hadal jiidinta Wasiirka Maaliyadda ayaa nuxurkeeda diiradda uu ku saaray sidii Dalalka Afrika ay u heli lahaayeen Maalgalin Horumarineed oo ku qotonta meelaha mudnaanta gaarka ah leh, ka sukoow u hadlidda dhammaan dalalka Afrika, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Soomaaliya u gaarka ah, isagoona IMF ku amaanay doorka muuqda ee ay ku leedahay dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.
๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka gaar ah ee Wasiirada Maaliyadda Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha Bangiga Adduunka ๐๐ฃ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ ๐ iyo Xubnaha sare ee Bangiga Adduunka, shirkaas oo diiradda lagu saaray qorshayaasha horumarineed ee Bangigu uu ka fuliyo qaaradda Afrika iyo sidii loo balaarin lahaa maalgalinta Bangiga ee dalalka Afrika.
Waxaa kale oo la isla gartay Mashaariicda horumarineed ee ay bixiso hayโadda hirumarinta caalamiga ah ee IDA-21 in ay noqdaan kuwo baaxad iyo miisaan leh si wax looga qabto dhibaatooyinka caalamiga ah sida sicir-bararka iyo saameynta isbaddalka cimilada.