Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ‘๐Ÿ“-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐†๐š๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ‘๐Ÿ“-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐†๐š๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š
GudahaWararka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ‘๐Ÿ“-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐†๐š๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

By SB
Last updated: December 18, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirkii 35-aad ee Caadiga ahaa ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika, kaas oo ku qabsoomay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in martigelinta shirka ee Muqdisho ay astaan u tahay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska, isla markaana ay muujinayso kalsoonida ay dalalka gobolka ku qabaan Soomaaliya.

Mudane Xamsa ayaa xusay in gobolka Bariga Afrika uu wajahayo caqabado amni oo wadajir ah, sida argagixisada, dambiyada ka gudba xudduudaha, amniga badda, saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha baniโ€™aadannimo, kuwaas oo u baahan iskaashi mideysan iyo xalal ku dhisan amni, horumar iyo diblomaasiyad.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey doorka muhiimka ah ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF) uu ka qaato sugidda amniga gobolka, isaga oo bogaadiyey doodihii iyo qiimeyntii qotada dheeraa ee ay sameeyeen khubarada iyo madaxda amniga ee ka qeybgalay shirka, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta qorshayaasha, miisaaniyadda iyo istiraatiijiyadda mustaqbalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa madashii shirka ku wareejisay guddoonka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika oo ay sanad haysay, waxaana lagu wareejiyay dowladda Uganda, iyada oo unug tabobar heersare ah qaba oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay si hab-maamuus leh ku wareejiyeen calanka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in tallaabooyin horumar ah la xaqiijiyay intii ay Soomaaliya haysay hoggaanka.

Ugu dambeyn, Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhammaan ka qeybgalayaasha shirka doorkooda iyo dadaalkooda, isaga oo rajo ka muujiyey in goโ€™aamada ka soo baxa shirka ay gacan ka geysan doonaan xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Bariga Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SAFAR SHAQO KU GAARAY JAMHUURIYADDA DIMUQRAADIGA EE KOONGO

Muqdisho,(SONNA) Abriil 19, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa…

Gudaha
April 19, 2021

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka…

GudahaWararka
November 19, 2024

Maamulka Isboortiga XFS oo Gaalkacyo ku soo gabagabeeyay shir loo qabtay dhallinyarada Galmudug

Maamulka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa magaalada Gaalkacyo ,gaar ahaan qaybta Galmudug ku soo gabogabaysay shirka wadatashiga iyo ansixinta…

Gudaha
May 5, 2023

Dowladda Soomaaliya oo dib u soo celisay muwaadiniin ku xayirnaa Maleeshiya ย ย 

Muqdisho.(SONNA)...Muqdisho.(SONNA)...Muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu kor u dhaafeyso 100 qof,oo in muddo ah ku xayirnaa dalka Maleesiya ayaa ka soo dagay…

Wararka
July 11, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023