Guddoomiyaha Aqalka sare oo Safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Kismaayo+ Sawirro

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Kismaayo+ Sawirro

SHARE

Muqdisho-(SONNA)-Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa goor dhow ka anababaxay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle,  asagoo safar Shaqo ugu kicitimay Magaalada Kismaayo, Caasimada KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha oo ay safarkiisu ku wehliyaan xubno ka tirsan Aqalka Sare, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusii sagootiyay qaar ka mida Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi iyo wafdigiisa oo Magaalada Kismaayo ugu ambabaxay safar shaqo, ayaa inta ay halkaasi ku sugan yihiin waxay  kulamo kala duwan la qaadan doonaan masuuliyiinta maamul Goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY