Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xuska maalinta Saxaafadda ee Soomaaliya (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska maalinta Saxaafadda ee Soomaaliya (warbixin)
GudahaMaqaallada

Xuska maalinta Saxaafadda ee Soomaaliya (warbixin)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
6 Min Read
Share

21-ka Janaayo waa maalin qaran oo ku weeyn quluubta bulshada,waxaana manta oo kale loo dabbaldegaa munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhigeeda laga joogo ama ay ka soo wareegatay 49-sano.

Haddaba,iyadooo laga duulayo qiimaha Warbaahinta iyo ahmiyaddda ay u leedahay bulshada, waxaa 21-kii Janaayo sanadkii 1973-dii, loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saarayaย  horumarka dadka iyo dalka.

Ujeedka munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto,ayaa ah mid xambaarsan xasuusta dadkii wax ku oolka ahaa ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliyeed oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qarnigii 20-aad.

Marxaladihii ย Saxaafadda

1-ย ย Xorriyadda ka horย 

Xilligaaan, waa bilow wanaagsan oo loo qaaday socodsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah saxaafadda,kadib kolkii ay kordheen dadka bartay luqadaha iyo qoraalada kale ee Laatiinka ah,taasina waxa ay sababtay in ay soo baxaan wargeysyo lagu gudbiyo fariimo xambaarsan naceybka gumeysiga.

Muddadii u dhaxaysay 1935-60-kii,gobolada woqooyi iyo kuwa koonfureed, waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo isku xilsaaray soo saarista wargaysyo ay ka mid yihiin Somali Journal, Al-Liwaa, Qarni Afriqiya, Al-Waxda,War Somali side,Corriere della Somalia,Al-Sariixa iyo kuwo kale.

Isla xilligaanย ย gobollada Woqooyi oo uu gacanta ku haayay Ingiriiska waxaa sanadkii 1943-diiย  laga hirgaliyay Raadiyo Hargeysa,halka gobolada Konfureed sanadkii 1951-kii laga furay Raadiyo Muqdisho,waqtigaasi ooย ย gumeysiga Talyaaniga uu Maxmiyad ku haystay gobollada Koofureed.

2-Dawladdii Rayadka

In la madax banneeyo xoriyadda hadalka,waxay ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu horeeyay ee ay ku guulaysatay dowladdii Rayidka ee 1960-kii,waxayna arintaasi sababtay in ay kordhaan tirada wargeysyada ka soo baxa dalka, kuwaas oo ku qornaa luqadaha Carabiga, Ingriiska iyo Talyaaniga,waxayna kala ahaayeen Sowtu Soomaal,Somali News,Somali review ,Li Oriente ,La Tripuna ,Kifaax, Al-shacab,Al-Waxda, Al-Xaqiiqa iyo kuwo kale.

5-tii Janaayo 1964-tii waxaa dhidibada loo taagay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA,taas oo si buuxda u noqotay isha waraka dalka iyo codka dowladda Soomaaliya.

3-Dowladdii Millitariga

Waxaa hubaal ah inย sanadkii 1969-kii,uu ahaa bilowgii dib u dhaca saxaafadda Soomaaliya iyo niyad-jabkii qorayaasha ka dib markii ciidamadii qabsaday dalka ay xireen xarumihii wargaysyada,isla markaana ay mamnuuceen xoriyadda hadalka,iyagoo doorbiday in labada Idaacadood ee Radiyo Hargeysa iyo Radiyo Muqdisho iyo wargeyska dowladdaย ay noqdaan kuwo loo adeegsado baahinta awaamiirta maamulkii Kacaanka.

21-kii Janaayo Sanadkii 1973-di Waa markii ugu horaysay ee uu dalkeenna ka soo baxo wargayskii ugu horeeyay ee ku hadla Afka Hooyo kadib kolkii1972-dii lagu guulaystay hirgalintii iyo qaadashada qoraalka farta Laatiinka,iyadoo la eegayo helitaanka qalabka loo adeegsado qoraalka xarfaha iyo dhinaca kale culeys dhaqaale oo saamixi waayey in la soo saaro aalado cusub oo xagga qoraalka ah.

Sanadkii 1980-kii waxaa dalka laga hirgaliyay Kulliyadda Saxaafadda ,taas oo soo saartay suxufiyiin badan oo aqoon u leh cilmiga saxaafadda,isla markaana kor u qaaday tayada iyo aqoonta warbaahinta dalka.

Sanadkii 1983-kii. Waa markii ugu horeysay ee Telefishin ama muuqaal baahiye uu leeyahay qaranka Soomaaliteed ย uu si habsami leh uga shaqeeyay dalka,isla markaana laga daawaday warar iyo barnaamijyo tayeysan oo ay ku qanci karaan bulshada.

4-Xilligii burburka & soo kabashada

ย Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay qaar ka mid ah ganacsatada iyo aqoonyahanno kale ayaa doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.

Tallaabadaasi,waxa ay dhiirigalisay in gudaha dalka ay ka hanaqaadaan saxaafad xor ah oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay in qaybaha ย bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha wax dhisa iyo kuwa dhaliisha ah ee loo jeediyo hoggaamiyaasha siyaasadda.

Waxaa shaki laโ€™aan ah inย Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsan karo dhanka wanaagsan iyo dhanka xun,sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda nidaam dowladnimo oo kaafiya dadka oo dhan.

Si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta,ย waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha ย qaybaha warbaahinta dalka.

Waa muhiin in xasuus gaar ah loo yeesho dadkii haldoorkaย  u ahaa aasaaska iyo horumarka warbaahinta Soomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Maxโ€™ed Faarax Xalane Dhaashane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay eeย  gala diiwaanka xasuusta saxaafadda Soomaaliya.

Gabagabadii ,anagoo ka faaโ€™ideysaneyna xuska sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii warbaahinta Soomaliya,aawadeed,waxaan hambalyo u direyna dhammaan shaqaalaha warbaahinta dalka, waxaanna u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ย ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

W/qoray Shiroos

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

NISA oo kaashanaysa ciidanka xoogga dalka ayaa duqayn ku dishay in ka badan 21 khawaarij ah

Muqdisho(SONNA:-Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo iskaashanaya ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu…

GudahaWararka
March 29, 2025

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo…

Gudaha
December 19, 2025

Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka

Jabuuti(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb-galay Shirkii 8แตƒแตƒแตˆ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka…

GudahaWararka
November 26, 2024

Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo kormeeray goobaha ย doorashada ee golaha deegaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cisman Cabdullaahi iyo saraakiil kale oo la socday ayaa kormeeray ย inta badan xarumaha…

Gudaha
December 25, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023