Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas
    July 1, 2025
    Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya 
    July 1, 2025
    Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay
    July 1, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta
    July 1, 2025
    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)
GudahaMaqaallada

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
5 Min Read
Share

Waxaa nasiib darraa in muddo afar sano ah oo ka soo wareegatay qaraxii Soobbe ee galaaftay in ku dhow dad gaaraya kun iyo shan boqol oo ruux, in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana doonaya in ay wiiqaan midaamka dowladdnimo iyo dadaalada kale ee loogu jiro horumarinta adeegyada bulshada iyo soo celinta amniga dalka.

Marka loo eego,horumarka baahsan ee uu gaaray dalka iyo mustaqbalka wanaagsan ee u ifaya dadka,ka sokoow,waxaa muuqda kooxo baal maray nidaamka suuban oo ka been-sheegay diinta, diidanna hannaanka dowladnimo ee dalka,kuwaas oo sida cad faraha la galay dagaallo ay ku hoobteen shacab aad u fara badan oo birimageydo ah.

Xuska 14-ka Oktoobar waa maalin murugo oo loo sameeyo qeybinii bulshada ee naftooda iyo hantidooda ku waayey qaraxii Soobbe oo shan sano ka hor ka dhacy Magaalada Muqdisho,kaas oo reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Dhacdadaan oo laheyd naxdin iyo amakaag,ayaa sababtay in maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo  iyo burbur hanti ay soo gaarto dad kau dhow kun iyo shan boqol oo -ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof,halka la waayey ,dad gaaraya 54- oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Qaraxaasi foosha xun ee ay ka dambeeyeen kooxaha nabad-diidka ee adeegsada fikirka gurracan, Waxaa marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee soo gaaray dadka, ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal.

Jawaabo wax ku ool ah oo ay bixiyeen dadka Soomaaliyeed,ayaa dhaliyay in si  degdeg ah loogu gurmado ehelada qeybihii bulshada ee la kulamay dhibaatooyinka qaraxaasi,waxaana tallaabadaasi lagu tilmaamay mid muujineysa damiirka iyo dhaqanka suuban ee ay leeyihiin dadka Soomaalida.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Haddaba,waxaa manta Magaalada Muqdisho ka dhacay xuska maalinta 14-ka Oktoobar oo ah xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku sugnaa meherado ganacsi iyo kuwo kale oo socoto ah oo marayey agagaarka isgoyska Soobbe.

Inkastoo qaraxyadu ay yihiin kuwo aan joojineyn ama aan wax u dhimeyn horumarada socda,haddana,waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dalka.

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacabba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha  dalka .

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dasgaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amnga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta  oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas

Aljeris (SONNA): Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan( Yusuf Jeego)…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Roma kaga qeybgalay shirja Talyaaniga iyo Afrika

Roma-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas…

GudahaWararka
January 28, 2024

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo sheegay in la dardargalin doono dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga S/Gaas Yuusuf Odowaa Raage iyo saraakiil kale oo socdaal shaqo ku maraya deegaanada Gobolka Hiiraan ayaa gaaray…

Gudaha
January 3, 2025

AMISOM oo ammaantay doorka Ciidanka XDS ay ku leeyihiin la dagaallanka Al-Shabaab

Jowhar-(SONNA)-Brig Gen; Telesphore Barandereka oo ah taliyaha uu waqtiga ka dhammaaday ee madaxa ka ahaa Ciidanka Burundi ee AMISOM ayaa…

GudahaWararka
December 16, 2021

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayay sidii looga…

GudahaWararka
April 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023