Baydhabo-(SONNA)-Cusmaan Caddow Xaaji oo ka mid ahaa kooxda nabad-diidka Al-shabab ayaa maanta isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, isagoo wata Qori AK 47 ah.
Cusmaan wuxuu Kooxda Al-shabab u qaabbilsanaa arrimaha Jabhaynta, wuxuuna ka qeyb qaatey dagaallo dhowr ah oo ka kala dhacay Gobollada Gedo, Baay iyo qeybo ka mid ah Waddanka Kenya.
Guddoomiyaha degmada Diinsor ee Gobolka Baay, Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa Sheegey in Cusmaan Caddow uu ka mid ahaa dhagar qabayaasha Al-shabab ee ku dhuumaaleysanayay degannada hoos yimada Degmada Diinsoor.
Mudane Siidoow ayaa ugu baaqay saaxiibbada Cusmaan ee ku jira Al-shabab in ay isaga soo baxaan oo ay ka faa’iideystaan cafiskii ay ufidisay Dowladda Soomaaliya.