Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaaliyadda Finlad oo aas u sameeyay qoys ka kooban 5 ruux oo Soomaaliya ah
    March 19, 2026
    Kulan ku saabsan horumarinta doorka Haweenka Soomaaliya oo lagu qabtay Mareykanka
    March 19, 2026
    Agaasimaha NISA oo kormeer dhiirrigelin ah ugu tagay ciidamada ka hawlgala Sh/ Hoose
    March 19, 2026
    Mashruuca afurinta dadka danyarta ah oo Muqdisho lagu soo gunaanaday
    March 19, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Xoogga Dalka oo qoysas bukaanno ah u qeybiyay adeegyo dhanka ciidda ah
    March 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xildhibaanadda labada aqal ee BJFS oo maanta ka dooday cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee dastuurka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xildhibaanadda labada aqal ee BJFS oo maanta ka dooday cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee dastuurka
GudahaWararka

Xildhibaanadda labada aqal ee BJFS oo maanta ka dooday cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee dastuurka

By SB
Last updated: February 26, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 23-aad ee wadajirka ah, waxaana Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenada labada aqal.

Guntanka ama kooramka kulanka wadajirka ah ee maanta oo ku furmay 172-xildhibaan oo labada aqal ah, waxa uu ajendihiisu ahaa dib u eegista dastuurka, marxaladda labaad, soo jeedimaha wax ka baddalka dastuurka gaar ahaan cutubka 12-aad oo ka hadlaya difaaca iyo amniga qaranka iyo sidoo kale cutubka 13-aad oo ka hadlaya qodobo guud.

Intaasi ka dib Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood xasaasi ah ka yeeshay qodobada labada cutub, waxaana waxyaabaha aad looga dooday ka mid ahaa qodobada ka hadlaya ciidamada qalabka sida.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyey ka doodista guud ahaan 13-ka cutub ee dastuurka, wuxuuna u mahadceliyey Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka oo inta dooda cutubyada dastuurka ay socotay wakhti badan geliyey si wanaagsanna uga dooday qodobada cutubyada dastuurka iyo guddiga Baarlamaanka labadiisa aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo sidoo kale Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaaliyadda Finlad oo aas u sameeyay qoys ka kooban 5 ruux oo Soomaaliya ah

Boqolaal kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland ayaa si wadajir ah u…

March 19, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Qaranka oo hawlgal amni ka sameeyey xadka Shabeelooyinka

Muqdisho (SONNA): Ciidamada Qaranka ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay jiinka wabiga Shabeelle gaar ahaan aagga Beerta Cali Mahdi…

GudahaWararka
August 14, 2023

Ra’isul Wasaaraha XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Hambalyo ku aadan sanad guuraddii 61 aad u diray ciidanka Xooga Dalka…

Gudaha
April 12, 2021

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya…

GudahaWararka
January 10, 2024

Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysa shaqaalaha la wareegi lahaa saadaasha iyo ka digista musiibooyinka

Muqdisho:(SONNA0-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareyn musiibooyinka DFS ayaa manta tababar u furtay shaqaale iyo qubaro loogu tala galay in ay ka…

Wararka
June 8, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023