Jakarta-(SONNA)-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa ka qayb galay shirka madasha 10-aad ee biyaha Adduunka ( 10th World Water Forum) kaas oo ka furmay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia.
Madashan ayaa waxaa furay Madaxwaynaha Indonesia, waxana looga doodi doonaa caqabadaha guud ee biyaha iyo heerka daboolka biyaha, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan iyo hirgelinta go’aannadii ka soo baxay Shirweeynihii biyaha Adduunka ee sanadkii hore (UN water conference New York 2023).
Wasiiru dowlaha ayaa warbxin ka Jeediyay madasha, inta madashu socotana kulamo gaar gaar ah ayuu la yeelan doonaa wufuudda sare ee ka socda waddamada cilaaqaadka biyaha uu nagala dhaxeeyo iyo hay’adaha hormurinta biyaha ka shaqeeya.