Muqdisho(SONNA):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa daah-furay shir looga hadlayay istaraatijiyada adeega 5G,kaa oo ay ka qeyb galeen xubnno ka socoday xarumaha isgaarsiinta dalka
Wasiirka waxa uu sheegay shirkaan wadatashiga ah uu qeyb weyn ka qaadan doono suuq xor ah iyo guud ahaan amniga Qaranka
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta” 5G waxa uu ka qayb qaadan doonaa suuq xor ah iyo amniga Qaranka”
Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustaf Yaasiin Sheekh ayaa ka warbixiyey nuxurka adeega 5G,ayaa sheegay in adeegaan uu faa’iido badan u leyahay waxbarashada hormarka ganacsiga guud ahaan dalka,waxa uuna tilmaamay in mudda dhaw adeegaan lagu baahin doono guud ahaan dalka
Waxa uu sheegay in maalmaha shirka uu socdo looga doodi doono sidii adeeg internet ah oo tayo sare leh u heli lahayeen bulshada Soomaaliyeed.