Muqdisho (SONNA): Kulanka Aqoon Isweydaarsiga heerka Sare ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka waxaa uu ujeedkiisu ahaa dardar galinta hawlaha shaqo ee Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, waxaa uu diiradda saaray khibrad wadaagga qeybaha ee xalinta caqabadaha shaqada, hagaajinta xiriirka hawlwadeenada iyo wada shaqeynta
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in muhiimadda aqoon isweydaarsigani ahaa dardar galinta hawlaha shaqada Wasaaradda iyo u diyaar garowga Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
“Aqoon isweydaarsigan maanta waxaa ugu talo galnay hoggaanka maamulka Wasaaradda sida Agaasimayaasha, lataliyayaasha iyo saraakiisha sare, waxaa ka sii horeeyay aqoon isweydaarsi socday 13 ilaa 15 bisha oo loo qabtay madaxda qeybaha ee Wasaaradda oo diiradda saaray hagaajinta hannaanka tafaftirka iyo hoggaaminta kooxo hawleedyada shaqada., ujeedkeenu waa in ay hagaajiyaan hannaanka wada shaqeynta, hawl gudashada iyo in aan u diyaar garowno hawlaha waa weyn ee Qaran ahaan inna horyaala sidii aan kaalin fiican uga qaadan laheyn”
Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda ahna Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in waxa laga bartay aqoon isweydaarsigani lagu dabaqo shaqada loona diyaar garoobo barnaamijyada waa weyn ee dowladda horyaala iyo xoojinta bandhgiga wanaagsan ee Soomaaliya.
Waxaa aqoon isweydaarsigani ay Wasaaraddu ku casuumtay Danjire Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda si ay uga faa’iidaystaan khibraddiisa dowlad dhiska iyo Warbaahinta.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ka duwanaa ku wii hore ee ay Wasaaraddu qaban jirtay.
“Aqoon isweydaarsiyadani oo ka duwan kuwii hore waxaan ugu talo galnay in hoggaanka maamulka Wasaaradda ay fursad isugu helaan meel ka baxsan shaqada si ay u uga doodaan caqabadaha la soo gudboonaada iyo in ay helaan fikrad, aqoon iyo khibrad wadaag”
Aqoon isweydaarsigan ayaa qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso hab sami u socodka Wasaaradda iyo tayada maamulka iiyo Howlwadeennada.