Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Mudane Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir).
Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, si loo adkeeyo difaaca shacabka iyo ciribtirka Khawaarijta ku sugan deegaanada ka tirsan Gobolka Gedo.