Muqdisho.SONNA…Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa daahfuray mashruuc dhinaca indhaha ah oo diiradda saaraya ilaalinta iyo daryeelka aragga carruurta ee dhigata dugsiyada dalka.
Mashruucaan oo ay iska kaashaday hey’adaha Direct Aid , Human Appeal iyo wasaaradda Caafimaadka XFS,waxaa ujeedku yahay in kor loo qaado wacyigalinta ardayda iyo in baaritaanno xagga indhaha ah lagu sameeyo aragga ardayda dugsiyada ee dalka.
Kulanka daahfurka oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha waxbarashada,Caafimaadka iyo marti sharaf kale,waxaaka hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS Cali Xaaji Aadan.
Mashruucaan ayaa lagu wadaa in laga bilaabo Gobolka Banaadir,iyadoo kadibna loo gudbi doono gobolada dalka,waxaana barnaamijkaan oo loo qorsheeyay in ka badan laba boqol oo kun oo arday ah,qeyb ka noqon doona macalimiinta dugsiyada ee dalka.

