Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay fiirinayaan go’aanka Dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ee xadgudubka Israa’iil ku sameysay Qaranimada Soomaaliya.
โSoomaaliya maanta waxay fiirinaysaa Goโaanka Wadamada Urur Iskaashiga Islaamka, Midnimada Qaran ee dhammaan dowladaha Islaaamka waa mid lama taabtaan ah.โ ayuu yiri wasiirka.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Falastiin Faarsiin Ajaabikiyaan ayaa tilmaamay in Dowladda Falastiin si buuxda u garab taagan tahay midnimada Qaran ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan xadgudubka ay ku kacay Israa’iil.
โDowladda Falastiin waxay si buuxda u taageersantahay Midnimada Qaran ee Soomaaliya, waxayna kasoo horjeedaa xadgudubyada ay ku kacday Israaโi1l ee ka dhanka ah Midnimada Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Islaamka.โ