Muqdisho (SONNA): Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mirko Giulietti.
Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, xasillinta, iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, iyada oo si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha horutabinta u leh Qaranka, ee ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga amniga guud, la-dagaallanka argagaxisadda, iyo kor u qaadidda tayada hay’adaha ammaanka.
Intii uu kulanku socday ayaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta dadaallada la-dagaallanka argagaxisadda, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo iskaashiga dhinacyada sirdoonka, tababarka ciidamada, iyo taageerada farsamo, si loo wiiqo awoodda kooxaha khatarta ku ah amniga dalka.
Wasiirka Amniga Gudaha mudane Fartaag ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaadanayo adkeynta nabadda, xasiloonida, iyo horumarka dalka.
