Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo kulan kula yeeshey magaalada Barakaysane ee Makah Almukaramah ee Sucuudi Carbiya, xubnaha guddiga adeegga Xajka ee (Bicisada) ayaa si weyn uga hadlay dadaalkii lagu bixiyay in isbedel lagu sameeyo addeegga Xajka mudadii labada sano oo ay maamulayeen, isagoo intaasi ku daray in aysan jirin shirkad laga qaaday wax laaluush ah.
Wuxuu sheegay wasiirย Roobow in uu jiro isbedel ka duwan kii sanadkii hore,Mosimka Xajka 1445HJ/2024 waxaa isbedel ku yimid addeegyada Xujeyda, deegaanada la dejiyay oo ku dhow Xaramka iyo qorshayaasha kale ee loo diyaariyay maalmaha lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka oo loo diyaariyay culimaaโudiin wacyigelin joogta ah u sameyn doonaan xujeyda si loo jiheeyo.
Mudane Mukhtaar Roobow Cali wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaadayย in weli ay jiraan dad ku howlan dacaayado been abuur ah, wuxuuna yiriโ.
โ.Runtii ilaahay waxaan uga mahadinaynaa laba sano aan maamulaynay adeegga Xajka sanadka 2aadย ma dhamaanine hada unbaa shaqadiisa kujirnaa, shirkadihiina way joogaan ma jirto shirkad wax laaluush ah laga qaatay,waxaa dhici jirtay Fiisooyinka (Bicisada) ee guddiga adeegga Xajka) oo suuqa lagu kala iibsan jiray, laba sano oo aan joognay ma dhicin intii tabar ah ayaan dadaalnay alxamdullilaah, kuwa been abuurka suuqyada la jooga keena cadeyn,waxaan uga mahadcelinayaa dhamaan xubnaha guddiga addeegga Xajka iyo shirkadaha oo wada jir u shaqeeynayayโ.
โNin culimu ah ayaa igu yiri dhowr iyo toban milyen oo lacag ah ayaa dhacday ama waxba ma ogide gacantadaa wax lagu cuney,waxaan ku iri, majirto, gacantayna anay igu taalaa oo waxba laguma dhici karo, arrintaasi ayaa dhacaysay iyadooo shaqadii lagu jiro marka waana imtixaanka, waana uga mahadcelinayaa dadkii shaqadaadasi kaalinteedi lahaa, sida guddiga bicisada iyo madaxda shirkadahaโ. ayuu yiri wasiir Roobow.
Sababta ka dambeysa isbedelka ayuu ku tilmaamay wasiirku in ay qeyb ka tahay is fahamka dhanka shaqada ah oo dhexmaray laga bilaabo wasaaradda Awqaafta, guddigga Bicisada iyo shirkadaha daabulka xujeyda Soomaaliyeed oo meel uga soo wada jeestay sidii looga gaashaaman lahaa caqabad ku timaadda adeegyada xajka.
Madaxda wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo fulinaya waajibaadkii ay u igmadeen madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay in ay sameeyn qiimo jaban iyo adeegyo hufan,waxaana wasiir Mukhtaar Roobow uu sheegay in aan dhici doonin in sare loo qaado qarashaadka Xajka, in qiimo dhimis lagu sameeyo mooyee,wuxuuna ugu baaqay xujeyda Soomaaliyeed in ay muujiyaan samir iyo dulqaad inta lagu guda jiro gudashada acmaasha xajka.
Laga bilaabo Garoonka Diyaaradaha Madiinatul Xujaaj ee magaalada Jidah ee dalka sucuudiga, Magaalada Madiina almunawaraha siyaarada goobaha taariikhiga ah iyo Rowdada Masjidu nabawi waxaa lagu diyaariyay adeegyo loogu utalagalay xujeydo in loogu fududeeyo baahiyaha ay qabaan, iyadoo intaasi kadib loo gudbinayo magaalada Makah halkaasi oo ay ugu dambeyn iskugu diyaariyaan gudashada acmaasha Xajka.
Dadaaladii la sameeyey ayaa hor seeday in Dowladda Sucuudiga ayย ku amaanto Soomaaliya isbedelka iyo horumarka dhanka maamulka adeegyada xajka,si lamid ah dowladaha kale,waxaana sanadkan xujeydu ay deganyihiin meel aan ka fogayn xaramka, iyadoo laga guuray hoteeladii sanadkii hore loo degnaa taasi oo u sahlaysa in si fudud ay u gutaan cibaadada.
W/Q: Cali Cabdulqaadir Cali