Garbahaarey, (SONNA): Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo Booqday Maktabadda Degmada Garbahaarey.
Garbahaarey, Gobolka Gedo โ Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha, iyo Tacliinta Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa booqday maktabadda ugu weyn degmada Garbahaarey. Booqashadan ayaa ahayd mid muhiim ah oo qeyb ka ah dedaalka lagu xoojinayo tayada waxbarashada iyo dhaqanka akhriska ee dalka.
Wasiirka ayaa ku ammaanay bulshada degmada Garbahaarey dadaalka ay ku bixiyeen kobcinta akhriska iyo kor u qaadista fursadaha waxbarasho, isagoo sheegay in maktabaddu tahay il muhiim ah oo gacan ka geysan karta kobcinta aqoonta ardayda iyo bulshada inteeda kale.