Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay dadaalka loogu jiro horumarinta Afka hooyo ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa dhaq-dhaqaaqyada kobcinta Afka Soomaaliga.
Wasiir Goodax, ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Jabuuti doorka ay ka qaadanayso horumarinta Afka iyo sameyntii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga.
Mudane; Goodax ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan tababarka shaqaalaha Dowladda si qoraallada ka soo baxa Xafiisyada Dowladdu ay u noqdaan kuwa ku qoran Af Soomaali sax ah.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo Maanta oo kale 21-ka Feebaraayo Caalamka laga xuso ahmiyadda uu leeyahay Afka Hooyo.