Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga doorashooyinka oo shaaciyey liiska ururrada ka tartamaya Koonfur Galbeed
    April 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha Ciidamada
    April 7, 2026
    Wasiir Cabdulqaadir Maxamed oo Xildhibaan loo doortay
    April 7, 2026
    Soomaaliya oo la wareegtay kursiga. Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika
    April 7, 2026
    Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo
    April 7, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda isgaarsiinta oo ka qaybgashay shirka 48-aad ee Arabsat
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda isgaarsiinta oo ka qaybgashay shirka 48-aad ee Arabsat
GudahaWararka

Wasaaradda isgaarsiinta oo ka qaybgashay shirka 48-aad ee Arabsat

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 16, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha qaybta hawada sare iyo Dayax-gacmeedyada ee Soomaaliya mudane Maxamed Abuubakar oo matalayey wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa ka qeyb galay kulanka 48-aad ee Arabsat oo si fogaan-arag ah lagu qabtay 15-kii Luulyo 2025.

Shirka waxaa lagu ansixiyay warbixinta sanadlaha ah ee miisaaniyadda xisaab-xirka sannadkii 2024, iyo doorashada xubnaha cusub ee golaha Maamulka, kuwaas oo shaqeyn doona sannadaha 2025 iyo 2026.

Sidoo kale, dowladaha xubnaha ka ah ururka ayaa lagu wargeliyay in si rasmi ah loogu soo diri doono faahfaahinta deymaha saaran dal kasta, si loo xaqiijiyo in xaaladaha maaliyadeed la waafajiyo, loona ilaaliyo xasilloonida hay’adda iyo sii wadista adeegyada si hufan.

Waxaa kale oo la isla gartay in Shirka Sanadlaha ah ee sannadka 2026 lagu qabto magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah xarunta ARABSAT.

Sanadkaas 2026 waxaa sidoo kale loo dabaal-degi doonaa 50 sano guurada aasaaska ururka ARABSAT.

Xubnaha Golaha Maamulka ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee ARABSAT sannadaha 2024 iyo 2025.

Agaasimaha Qeybta Hawada Sare, Mudane Maxamed Abuubakar, ayaa khudbad ka jeediyay shirka, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta hawada sare ee Carabta.

Ka qeybgalka shirkan wuxuu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee ku aaddan xoojinta xiriirka Carabta iyo horumarinta teknoolojiyadda hawada sare.

Shirka waxaa si rasmi ah uga qeyb galay Agaasimaha Qeybta Hawada Sare iyo Dayax-gacmeedyada, Mudane Maxamed Abuubakar, iyo xubnaha Abuubakar Xasan iyo Cali Afey.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga doorashooyinka oo shaaciyey liiska ururrada ka tartamaya Koonfur Galbeed

Baydhabo (SONNA): Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay liiska ururrada siyaasadeed…

April 7, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Kenya

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi,…

GudahaWararka
October 22, 2024

Guddoonka Baarlamaanka JFS oo magacaabay guddi u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka

Muqdisho, (SONNA): Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal…

GudahaWararka
November 7, 2024

Galmudug oo Tababar u soo xirtay Shaqaale loogu talagalay la dagaalanka Ayaxa

Muqdisho:(SONNA)-Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Galmudug oo kaashanaysa Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaga dowladda dhexe ayaa Tababar u soo xirtay…

Wararka
May 6, 2020

Ciidanka Xooga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 20 khawaarij ah

Ruunirgood, (SONNA): Ciidanka Xooga Dalka ayaa Saaka aroortii howlgal ka fuliyay inta u dhaxeysa degmooyinka Ruunirgood iyo Mesagawaa oo ka…

GudahaWararka
July 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023