Cadaado-(SONNA)-Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iyadoo ka duuleysa baahiyaha caafimaad ee ka jira magaalada Cadaado waxey isbitaalka guud ee Cadaado keentay dhaqtar u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay qaliimada guud.
Dhaqtarka Ayaa waxaa Garoonka diyaarayaha magaalada Cadaado Kusoo dhaweeyay Shaqaalaha isbitaalka Guud ee magaalada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Wasiirka caafimaadka Galmudug Cabdi wali Cismaan Jaamac Ayaa sheegay in isbitaaka cadaado uu noqon doono isbitaal tusaale unoqda isbitaallada deegaannada Galmudug,isagoo xusay in wasaaradu ay tayeyneyso goobaha caafimaad ee Galmudug si bulshadu ay u helaan adeegyada ay uga baahdaan.
Dr Cabdiraxman Maxamud oo ah dhaqtar ku takhasususay qaliimada guud ayaa sheegay inuu waqti badan Joogi doono magaalada Cadaado shaqo badana ka qaban doon arrimaha caafimaadka.