MUQDISHO-SONNA-Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West Virginia ee dalka Maraykanka ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham (MoU) oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada sahminta, soo saarista, farsamaynta iyo horumarinta macdanta muhiimka ah (Critical Minerals).
Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la dhiso qaab iskaashi oo kor u qaada maalgashiga, is-weydaarsiga aqoonta farsamada, iyo horumarinta silsiladda qiimaha ee macdanta Soomaaliya.
Heshiiska waxaa Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta ee XFS u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo kheyraadka Macdanta, Mudane Daahir Shire Maxamed, halka dhinaca Gobolka West Virginia uu u saxiixay Xoghayaha Senate-ka West Virginia, Kris Warner.
Heshiiska ayaa ka dhacay aqalka Senate-ka ee Gobolka West Virginia, iyadoo goob-joog ay ka ahaayeen Dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo masuuliyiin kale.
Dhinaca Gobolka West Virginia waxaa kulanka iyo munaasabadda heshiiska ka qaybgalay xubno ka tirsan Senate-ka gobolka, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Senate-ka isla markaana ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka (Lieutenant Governor), Senator Randy Smith, iyo senatarro kale oo ka tirsan hoggaanka Senate-ka.
Intii lagu guda jiray habraaca heshiiskan, Senate-ka Gobolka West Virginia ayaa sidoo kale soo saaray qaraar rasmi ah (Resolution) oo taageeraya iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, taas oo muujinaysa muhiimadda istaraatiijiga ah ee iskaashigan cusub iyo rabitaanka gobolka ee xoojinta xiriirka dhaqaale iyo farsamo ee Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:
• Iskaashiga sahminta iyo soo saarista macdanta muhiimka ah
• Horumarinta farsamaynta iyo habaynta macdanta si loo kordhiyo qiimaha gudaha
• Is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda farsamo
• Dhiirrigelinta maalgashiga iyo iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya hay’adaha iyo shirkadaha labada dhinac
Heshiisku wuxuu sidoo kale dhiirrigelinayaa shirkadaha Mareykanka inay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sahminta, soo saarista iyo farsamaynta macdanta muhiimka ah, iyadoo la abuurayo jawi iskaashi oo u sahlaya ganacsiyada iyo maalgashadayaasha inay ka qayb qaataan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskan tallaabo muhiim ah oo ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka si mas’uuliyad leh, hufan, isla markaana soo jiidata maalgashi caalami ah, iyadoo la hubinayo in horumarinta macdantu ay ka qayb qaadato kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.
Iskaashigan cusub wuxuu sidoo kale xoojinayaa xiriirka saaxiibtinimo iyo wada shaqeynta u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kheyraadka dabiiciga ah, maalgashiga, iyo kobaca dhaqaalaha.