Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Soomaaliya
Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Soomaaliya

By Abdulkadir
Last updated: July 5, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kumanaan shacab ah kula hadlayey Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho (Mogadishu Stadium) xuska sannad guuradii 63aad ee xornimada dalka ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan ciribtirka cadowga ragaadiyey amniga iyo horumarka ee Khawaarijta Al Shabab.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si deg deg ah loo dhamaystiri doono dastuurka dalka, si loo harumariyo hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wadahadley xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda Ciidul Adxa awgeed khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Receb Tayib Erdogan, Amiirka dalka Qatar  Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in dowladdu ay ka go’an tahay la dagaalanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhammaystay gudashada waajibaadka Xajka.

Ciidamada Xoogga Dalka oo ATMIS kala wareegay saldhigga Geriley ee gobolka Gedo, tallaabadaas oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka iyo ka bixitaanka Ciidammada ATMIS ee Soomaaliya.

<Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegeen ammaanka xarumihii ay baneeyeen 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Marwo Safiyo Xasan Maxamed, Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Guddoomiyihii hore.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya  Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ay dhinteen afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay,sidoo kale waxa u sheegay in la’ yahay saddex xaaji, ilaa 60 kale oo gargaar caafimaad u baahnaana wax loo qabtey.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa ayaa safar kormeer ah ku tagay furimaha hore iyo xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku leeyihiin degmooyiinka Galcad iyo Ceel dheer ee Gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo  booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) ayaa faray maamulka deegaanka in aan la dhisan karin qabuuraha, waxaana uu balan qaaday in tlalaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu arkaa.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow  ayaa magaalada Makah ee Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Islaamka ee Qatar

Wasiir Ku-Xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Xildhibaan Saalax Shariif Cali  ayaa booqday deegaannada Goof-Gaduud, Buurey iyo  Haraaw ee Gobolka Bay, isagoo ku bogaadiyey shacabka guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta.

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa hawlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu burburiyay maxkamad beenaad ay khawaarijta ku lahaayeen halkaasi.

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo qabtey soona  bandhigay 9 horjooge oo ka tirsanaa kooxda argagaxisada ah ee Daacish.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab oo fal aad u xun oo Diinta Islaamka lid ku ah ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe kadib markii ay burburiyeen masjidka degaanka Daarul Nimca

 

 

.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wacyigelin ku aaddan qatarta walxaha qarxa oo loo sameeyay dad barakacayaal ah

Hey’adaha UNICEF iyo UNMAS ee Qaramada Midoobe ayaa iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya waxay wacyi galin la xiriirtay qatarta waxyaabaha…

Wararka
October 7, 2020

Agaasime Cabdullaahi Xayir oo 40 Suxufi u furay tababar ku saabsan Ilaha rasmiga ah ee laga helo wararka

Muqdisho (SONNA):- Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta tababar ku saabsan Ilaha rasmiga ah…

GudahaWararka
December 11, 2023

Maamulka gobolka Banaadir oo daah-furay Olole lagu buufinayo jidadka Muqdisho

Muqdisho(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah-furay ololihii ugu horeeyay ee lagu…

Wararka
April 21, 2020

Ingiriiska oo ku baaqay in la  qaado xayiraadda gargaarka ee Gaza

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) u sheegtay in Israa'iil ay qaado xayiraadaha ku aaddan gargaarka bini'aadanimo…

Caalamka
May 2, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023