Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya
    March 27, 2026
    Xulka K/Cagta Qaranka oo galabta la kulmaya dhiggooda Mauritius
    March 27, 2026
    “Haa waan joojin karnaa” halkudhigga xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida
    March 27, 2026
    Wasiirka Ganacsiga XFS oo Ka qaybgalay Shirweynaha 14aad ee Ururka Ganacsiga Adduunka.
    March 27, 2026
    Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo khawaarij ah
    March 27, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: March 27, 2026
5 Min Read
Share

Muqdisho, Jimco, 27-ka Maarso, 20261- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90 maalmood gudahood ah u fidiyey dhallinyarada ay qaldeen kooxaha Khawaarijta, isagoo balan qaaday in Dowladdu ay dhallinyaradaas u abuureyso mustaqbal ay uga qeyb qaataan horumarka dalkooda.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Siyaad oo ka mid ahaa haldoorka ganacsatada Soomaaliyeed.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Ismaaciil Shire Jaamac iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirisaaq Maxamed.

4- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa, uga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagaxisada, iyada oo la bogaadiyey howlgalladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

5- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magaacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

7- Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale, ayaa ka qeyb galay tacsida marxuum ganacsade Maxamed Faarax Siyaad oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar.

8- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, markii argagixisadu ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

9- Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiistinta ayaa si rasmi ah ugu wargelisay shacabka Soomaaliyeed in dalku uu galayo marxalad doorasho loo dhan yahay, daahfuran, saldhigeeduna yahay shuruucda dalka.

10- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa maamul cusub u magacawday degmooyinka Xuddur iyo Waajid ee Gobolka Bakool.

11- Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah.

12- Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar oo uu wehliyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa booqday xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

13- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa isbitaalka ku booqdaya askartii kusoo dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

14- Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka socday Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

15- Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeeray Xerada Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolka Bakool.

16- Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u magacowday dalka Finland ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Finland.

17- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo kulan la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika, Major General Claude K. Tudor.

18- Ciidanka Xoogga Dalka oo isku furey waddada xiriirisa deegaanka Mubaarak iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ayaa hawlgal ka fuliyay deegaanno hoos yimaada War Ciise oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta.

20- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgallo sifeyn ah ka wada deegaannada ku teedsan xeebaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

21- Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah la la soo gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen.

22- Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa magaalada Maputo ee dalka Mozambique kula cayaari doono dhiggooda dalka Mauritius isreeb-reebka tartanka AFCON 2027.

23- Kulan looga hadlayay ka hortagga colaadaha kusoo noqnoqday Gobolka Mudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

24- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Afka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Xafiiska Hay’adda NIRA oo laga furay gudaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta…

March 27, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

Muqdisho(SONNA):-Shucuubta ku dhaqan dalalka caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo…

GudahaMaqaallada
February 21, 2023

Wasiirka Awqaafta ee Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Turkiga “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble oo ku sugan magaalada Ankara ee Caasimadda…

GudahaWararka
April 6, 2021

Danjire Cabdinuur Daahir oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan,

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah u…

Gudaha
February 26, 2026

Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo ay la socdaan  Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow…

Gudaha
January 8, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023