Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
GanacsigaGudahaMaqaallada

Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 19, 2025
4 Min Read
Share

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa Todobaadkii hore guddoonsiisay Shirkadda Starlink rukhsadda isgaarsiineed oo ay kaga howlgeleyso dalka Soomaaliya. Munaasabadda guddoonsiinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Dowladda iyo Shirkadda Starlink.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin SHEIK oo xafladda guddoonsiinta ka hadlayay ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink ee Soomaaliya ay wax weyn ka tari doonto dadaallada lagu doonayo in adeegyada internetka lagu gaarsiiyo dalka oo dhan.

“Waxa aan rajeyneynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ganacsiyada, hay’adaha dowladeed ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn oo adeegga internet-ku xaddidan yahay,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Maxamed Aadan Macallin, oo isna munaasbaadda ka hadlay, ayaa sheegay in dowladdu ku faraxsan tahay in shirkaddaan Starlink soo gaarto dalkeena.

“Waxaan soo dhoweyneynaa in Starlink soo gaarto dalkeena. Tallaadaban waxay la jaanqaadeysaa aragtida fog ee dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la gaarsiiyo adeeg internet oo meel kasta gaari kara, isla markaana la awoodi karo,” ayuu yiri wasiirka.

Adeegga internetka ee Starlink ayaa la filayaa in uu kaabi doono adeegyada Isgaarsiinta ee dalka jira, isaga oo wax weyn ka tari doono in adeegga internetku wada gaaro dalka oo dhan, isagoo sahlaya in adeegyada looga faa’iideysto internetka uu wada gaaro dadweynaha oo dhan.

Dalkeena waxaa hore u soo gaaray dhowr xarig internet oo ka soo dagay qaar ka mid ah xeebaha dalka, iyadoo Starlink-na ay ku soo kordhineyso adeeg cusub oo dhinaca dayax gacmeedka ah oo gaari kara meel kasta oo dalka ka mid ah.

Haddaba Waa maxay shirkadaan Starlink?

Starlink waa adeeg internet ah oo sameeyay shirkadda SpaceX, taasoo uu leeyahay Elon Musk. Starlink waxay adeegga internet-ka ka bixisaa satelite-yo ku yaalla cirka, taasoo ka dhigan in meel kasta oo dunida ah laga heli karo internet xawaare sare leh — xitaa meelaha aan laheyn kaabayaal internet oo horumarsan sida Tuulooyinka ama Miyiga fog.

Maxay tahay muhiimadda Starlink ugu jirta Soomaaliya?

1.Helitaanka Internet xawaare sare leh:
•Dad badan oo ku nool Soomaaliya, gaar ahaan tuulooyinka, miyiga, ama meelaha aan laheyn adeegyo internet oo xoog leh, waxay heli doonaan internet degdeg ah.

2.Horumar dhinaca Waxbarashada iyo Ganacsiga:
•Waxbarashada fog, shaqada onleenka ah (online), iyo Ganacsiga e-commerce ayaa si weyn uga faa’iideysan doona.

3.Gargaarka iyo Xiriirka Degdega ah:
•Meelaha ay ka dhacaan musiibooyinka dabiiciga ah ama xaaladaha degdegga ah, Starlink waxay bixisaa internet degdeg ah oo aan u baahnayn xarumo fiilooyin leh.

4.Xorriyadda Isgaarsiinta:
•Starlink ma hoos tagto shirkadaha isgaarsiinta maxalliga ah, taasoo ka dhigan in dadka isticmaala ay helayaan xornimo dheeraad ah oo aan laga xakameyn karin si fudud.

Waa maxay tallaabada dowladda Soomaaliya qaaday?

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya (NCA) waxay si rasmi ah ruqsad u siisay Starlink si ay uga howlgasho guud ahaan dalka. Tani waxay muujineysaa in Soomaaliya ay doonayso inay la jaanqaado horumarka Tignoolajiyadda iyo in ay kordhiso helitaanka adeegyada internet-ka.

Maxay tani uga dhigan tahay dadka Soomaaliyeed?
•Dadka Soomaaliyeed waxay heli doonaan ikhtiyaar dheeraad ah oo ah adeeg internet oo tayo sare leh.
•Waxaa laga yaabaa in qiimaha internet-ka hoos u dhaco, maadaama tartan dheeraad ah uu suuqa soo galayo.

•Fursado shaqo, waxbarasho, iyo xiriir caalami ah ayaa si weyn u ballaaran doona, iyadoo shirkaddani ay horey uga howlgashay wadanka Lesotho oo ka tirasan qaaradda Afrika, Soomaaliyana ay noqoneyso wadanka labaad ee ka mid ah qaaraddan Afrika.

By. C/laahi Ruush


Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Jawaari : Siyaasad tii laga raadinayay ma ahan Dagaalka khawaarijta,tan waa tii mas’uuliyadda la wada qaadanaayay

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in la taageero…

GudahaWararka
September 4, 2023

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Muqdisho,(SONNA):- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta…

GudahaWararka
July 12, 2025

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyeyaasha ururada siyaasadeed ee Towfiiq iyo Ramaas ayaa olole wacyigelin iyo cod-raadis ah ka sameeyay degmooyin kala duwan…

GudahaWararka
December 2, 2025

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida & wadajirka ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka…

GudahaWararka
September 5, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023